DEG DEG+DHAGEYSO: M/weyne Gaas oo ku dhawaaqay in uu soconayo dagaalka Sool, si adagna uga hadlay Xoreynta Laascaano

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhaw dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay dagaalka gobalka SOol, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu soconayo dagaalkaas oo ay soo qaaday Somaliland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan cidna kala tashan doonin xoreynta dhulka maqan ee Puntland, wuxuuna sheegay in ay Jeegaantu wax la kulmi doonto oo ay meydkooda soo fogeeyeen.

Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in ay Puntland qaadanayso talaabadeeda Difaaca ee dalka oo ay tagi doonto xaduudaheeda gobalka Sool, wuxuuna u sheegay Muuse Biixi in uu xaqiiqada arki doono.

Shacabka iyo dadka Puntland meel kasta oo ay joogaan wuxuu ugu dhawaaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal dheer oo mudo qaadanaya, isla markaasna ay sharaftooda iyo dadnimadooda ku difaacayaan.

HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSTO CODKA MADAXWEYNAHA

Halkaan Ku Qor Fikirkaada