DHAGEYSO: M/weyne Gaas oo si adag uga hadlay Dagaalka Tukaraq, kuna dhawaaqay war cad

BAYDHABO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay kahadlay dagaalka u dhaxeeya ciidamadiisa iyo kuwa maamulka la baxay Somaliland, wuxuuna sheegay in duulaanka ay soo qaaden oo ay ku jabeen, Xoreyntuna ay sii soconayso.

Madaxweynaha Puntland oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacada DALJIR ee Puntland, ayuu sheegay in laysa dhiciyey cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland ee SOmaliland, isla markaasna ay ciidamadu gudan doonaan waajibaadkood Qaran ee difaaca dalka.

Gaas ayaa sheegay in somaliland gardaro ay ku socoto ,isla markaana somaalinimo diiden balse la iska dhicin doono Ciidamadda Puntland aysan u dulqadan doniin garadarada qaawan ee Somaliland waddo.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay sharaftooda ,dadnimadooda iyo dalkoodaba inay difaacdan ,isago sheegay in shacabka looga bahanyahay inay iska difaacan cadowga kusoo duulay dhulkooda,wuxuna sheegay in la iska difaacayo wuxuu ku sheegay wuxuush caadaystay daadinta dhiiga shacabka somaliyeed.

HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA MADAXWEYNAHA

One Comment

  1. Anonymous says:

    Hadalka Gaas ma cada reer Puntlandoow ee waa in lala xisaabtamaa Gaas iyo xakuumadiisa.

Leave a Comment