DHAGEYSO: M/weyne Farmaajo oo u dhoofay Qadar & Ujeedada socdaalkiisa la xariirto

MUQDISHO(P-TIMES)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal rasmi ah 13-ka bishan ugu dhoofay dalka Qadar, ka dib markii uu horey uga baaqsaday safar uu ku tagi lahaa dalkaas bishii March ee lasoo dhaafay, xiligaas oo ay Muqdisho ka socdeen Mooshino iska soo horjeeday laakiin ugu dambeyntii gudoomiyihii hore ee baarlamaanku meesha ka baxay.

Socdaalkan wuxuu qaadan doonaa 2 maalmood, sidda uu sheegay Agaasimaha Warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Max’ed oo wafdiga kamid ah.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehliya  wasiiro, Xildhibaano, Lataliyaashiisa iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo ah bud-dhigaha xariirka u dhaxeeya Farmaajo iyo dawladda Qadar.

Ujeedada socdaalka waxaa lagu sheegay in uu yahay heshiisyo ay kala saxiixan doonaan labada dal iyo sidii ay Qadar taageero xoog badan ugu muujin lahayd dawladda Faderaalka Soomaaliya oo awgeed ula dagaashay wadamada Khaliijka, gaar ahaana Xulufada Sacuudiga & Imaaraatka Carabta oo labaduba mudo dheer caawinayey Soomaaliya.

 

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO FAAHFAAHIN GAAR AH

Leave a Comment