DHAGEYSO:- XF Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Dhawaaqday Amaro Horey Uga Dhaqan-geli Waayay Muqdisho.

MUQDISHO(P-TIMES)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda Muqdisho, kaas oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/rixmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Kulankan oo ahaa mid Deg deg ah ayaa waxaa Sidoo kale, Goobjoog ka ahaa Taliyayaasha Ciidamada Nabad-sugida, Booliska, Xoogga Dalka iyo Asluubta, Iyadoona lagu lafa-guray Xaalada Ammaan ee Magaalada Muqdisho iyo sidii loo Hir-gelin lahaa Go,aanadii Dhanka ammaanka ee Horay uga soo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, oo markii uu kulan soo Idlaaday la Hadlay Warbaahinta, ayaa Faah-faahin ka bixiyay Kulanka iyo Go,aanada ka soo baxay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Mar kale ku Celiyay Go,aanadii dhanka ammaanka ee Horey uga soo Baxay Wasaaradda Amniga, waxaana uu Adkeeyay in aan loo Dul-qaadan doonin in Hubka waa weyn lagu Dhex wato Caasimadda.

Wasiir Islow ayaa Sheegay in Masuuliyiinta Dowladda laga doonayo inay Kaxeystaan 4 Askar Oo Istaaf ah oo ku Hubeysan Qoryaha Fudud ee Ak-47, balse aan laga yeeli doonin Istaaf intaas ka badan iyo Isticmaalka Qoryaha Dhashiikaha ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa ugu Baaqay Ciidamada Xasilinta Caasimadda inay si Wanaagsan ula Dhaqmaan Shacabka Muqdisho oo ay u Dhimriyaan, waxaana uu Shacabka ka Dalbaday inay kala Shaqeeyaan Ciidamada Sugaya amniga Caasimadda.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Bishii May ee Sanadkii hore ee 2017-ka, waxaa ay soo Saareen Go,aano lamid ah kuwaan, waxaana ku jiray in Aan loo Ogaleyn Masuuliyiinta Dowladda Istaaf ka badan 4 Askar iyo Qoryaha Fudud ee AK-47, walow ay Suura-geli Waayeen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

PUNTLAND TIMES

Leave a Comment