M/weyne Gaas oo goor dhaw ku dhawaaqay war ku saabsan Qandala

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw kala diray xubnihii golaha deegaanka ee degmada Qandala, waxaana uu sidaasi sameeyey Madaxweynuhu markii ay cadaatay in ay kusifoobeen xil gudasho la`aan. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu qoray siddan. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu...

Baarlamaanka PL oo goor dhaw ku dhawaaqay, si cadna u sheegay…

GAROOWE(P-TIMES)- Guddiga Amniga & Difaaca ee baarlamaanka Puntland oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku amaanay Xukuumadu sidda ay ugu howlgashay arrimaha soo celinta dhulka maqan ee Puntland, gaar ahaana waxay sheegeen in Madaxda ugu sareysa ee dawladdu ay hadda ka dhabeynayaan balan-qaadyadii ay ku doorteen baarlamanaku. Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee baarlamaanka...

Ciidamadii ugu badnaa oo ka soo goostay Somaliland oo hadda soo gaaray Jiidaha dagaalka & Saxaafadda oo Jiidaha hore joogta

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya jiidaha hore ee dagaalka gobalka Sool ayaa sheegaya in ay ciidamadii ugu badnaa oo katirsanaa kuwa maamulka Somaliland ay hadda isku dhiibeen ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland, waxaana maleeshiyadan hadda loo soo bandhigayaa Saxaafadda. Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa uxaqiijiyey Puntlandtimes.com in ay maleeshiyadan ka...

Maleeshiyaadkii ugu badnaa oo katirsanaa ciidamada Somaliland oo ka baxay Jiidaha dagaalka ee Tukaraq & Xaalad adag oo ay kusugan yihiin.

LAASCAANO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka ee ay ku jiraan ciidamada maamulka Hargeysa ayaa sheegaya in cabsidii ugu badneyd iyo is khilaaf uu soo kala dhexgalay maleeshiyaadkan, ka dib markii ay iskugu dhaceen kala tirsashada eedo fara badan iyo dagaalka oo aysan isku raacsaneyn. Warar xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Laascaano & taliska ciidamadooda ee GOOJA-CADE ayaa sheegaya...

M/weyne Kuxigeenka Puntland oo goor dhaw ku sii jeeda magaalada Buuhoodle & Xog laga helay safarkan deg deg ah

BUUHOODLE(P-TIMES) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa kusii jeeda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, waxaana uu saqdii dhexe ee xalay ka tagay caasumada Puntland ee Garoowe. Boqolaal dadweyne ah ayaa sugaya soo dhaweynta Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ee xiligan ku wajahan magaalada Buuhoodle, waxaana uu ku beegmay waqti xasaasi ah. Warsidaha...

WARARKII Ugu dambeeyey Xaaladda Jiidaha dagaalka & Rasaasta oo mararka qaarkood la maqlayo

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in rasaasta ciidamadu ay isku ridayaan ka sokow ay xaaladdu degan tahay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay, maanta oo Arbaco ahna ay qolo kasta sameynayaan dhaqdhaqaqyo ciidan oo xoog badan, isla markaasna ay qolo kasta kusugan tahay deegaanadii ay...

DEG DEG: Cutubyo kamid ah ciidamada Difaaca Puntland oo gaaray Degmada Boocame, lana kulmay Waxgaradka magaalada.

BOOCAME(P-TIMES)- Saraakiisha ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa gaaray degmada Boocame ee gobalka Sool, taas oo masaafo dhan 65KM u jirta magaalada Garoowe, isla markaasna muhiim u ah howlgalka dib u xoreynta magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Saraakiisha hogaaminaysay ciidamadan ayaa la kulmay waxgaradka iyo Shacabka magaalada oo si weyn ugu soo dhaweeyey banaanka magaalada, waxaana lagu...

Shir u socday Horgolada Somaliland ee G Sool, Saraakiisha ciidamada ee kusugan Tukaraq, Cali Khaliif oo guuldarro kusoo dhamaaday hadda?

LAASCAANO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in uu hadda soo dhamaaday kulan ka socday Saldhiga ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADE kuyaala, kaas oo ay ka qeybgaleen Afhayeenka baarlamaanka, Wasiiro, Cali Khaliif Galeyr iyo Taliyaha ciidamada Somaliland oo ay wehliyeen Saraakiisha ka soo jeeda gobalada Waqooyi ee kusugan Jiidaha Tukaraq. Kulankaas...

DAAWO: Culumada G Mudug oo Bogaadin & Hambalyo usoo diray M/weynaha Puntland go’aanka uu qaatay awgiis

GAALKACYO(P-TIMES)- Culumada & Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa amaan iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ka dib markii uu ku wareejiyey xaruntii hore dawladda Hoose kuwareejiyey Masaajidka Al Huda si looga mid dhigo Masaajidka. Culumada ayaa ku amaantay Madaxweynaha Puntland in uu qaatay go`aankan xili masaajidku aad ugu baahnaa in laga saaro cariiriga...

DAAWO: Shacabka Deegaanada Sarmaanyo & Awr-Boogeys oo laga taageeray Howlgalka Xoreynta Laascaanood, Fariina u soo diray M/weyne Gaas

AWR-BOOGEYS(P-TIMES)- Sidda laga baahiyey warbaahinta dawladda PuntlandTV, waxaana si rasmi ah banaanbaxyo loogu magacdaray Duufaanka Baluugga ah laga bilaabay deegaanada ku xeeran magaalada Laascaano, xili ay ciidamada Difaaca ee Puntland kusii durkayaan jiidaha dagaalka ee gobalka Sool. Deegaanada Awr-Boogeys & Sarmaanyo ayay laga dhigay banaanbaxyadan, sidaas oo kalena kulamo hoose ayaa ka socda...

DAAWO: Shacabka Puntland ee kunool Garoowe & Gaalkacyo oo fariin Argagax leh u diray M/weynaha Somaliland

GAROOWE(P-TIMES) – Shacabka Puntland ee kunool magaalooyinka Gaalkacyo & Garoowe ayaa si adag uga hadlay duulanka Somaliland ay kusoo qaaday Puntland, waxayna garab iyo gaashaanba u muujiyeen ciidamada difaaca ee dawladda Puntland. Shacabka ayaa fariin argagax leh u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ay sheegeen in uu duulan ku soo qaaday dhulka Puntland, uuna dhadhamin doono qaraarka...

DAAWO: Shacabka Degmooyinka Taleex, Carooley, Burcadle iyo Holol oo Xoolihii ugu badnaa gaarsiisay Ciidamada Difaaca ee Jiidaha G Sool.

TUKARAQ(P-TIMES) –  Shacabka & Waxgaradka  Degmada Taleex & Deegaanada hoos yimaada sida Carooley ,Burcadle & Holol ayaa deeq Xoolo ah oo ka kooban Geel & Ari ay ugu talagaleen inay ku garab istaagaan Ciidamada Geesiyaasha Puntland ee dagaalka lagu xoraynayo Gobolka sool ku jira maamulka Hargeysa ku wareejiyay Gudiga Taakulaynta Ciidamadda ee Dowladda . Xoolahan oo gawaari looga...

DAAWO: Isimadda Gobalada SSC oo si rasmi ah ugu dhawaaqay qaraarkii ugu adkaa oo kusaabsan Dagaalka Tukaraq, shirna ku yeeshay Buuhoodle.

BUUHOODLE(P-TIMES)- Isimadda ugu waa weyn ee Beesha Dhulbahante ayaa kaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle in aysan haba yaraatee waxba taageero ah u heynin maamulka Somaliland, oo uu duulaan cad mudo dheer ku hayey Shacabka deegaanada Sool, Sanaag & Cayn, ayna hadda wajahayaan xaqiiqada dagaalka. Isimaddu waxay ugu baaqeen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland in uu garowsado xaqiiqada taagan...

DAAWO+XOG: Maxaa ka soo baxay Shir dhexmaray M/weyne Gaas & Wafdi ka socda QM?

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq. Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA)...

WAR CUSUB: Maxaa ka socda Jiidaha Dagaalka ee G Sool, Dhaqdhaqaaqyada oo sii kordhaya & Ciidamo hor leh oo gaaray.

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in rasaasta ciidamadu ay isku ridayaan ka sokow ay xaaladdu degan tahay maanta, isla markaasna ay qolo kasta kusugan tahay deegaanadii ay horey u joogeen, gaar ahaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyadooda ciidan. Saacadihii ugu dambeeyey ciidamada Difaaca ee...

DAAWO: Taliyaha ciidamada La dagaalanka Argagixisada Puntland oo fariin adag u soo diray Shacabka Laascaanood, Muuse Biixi-na xaqiiqada u sheegay.

GAROOWE(P-TIMES)- Taliyaha ciidamada La dagaalanka Argagixisada & Mukhaadaraadka ee dawladda Puntland Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa beeniyey warar ay soo qoreen warbaahinta maamulka Hargeysa iyo xubno kamid ah maamulkaas oo ay ku sheegeen in ay ku qabteen dagaal ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, waxaana uu sheegay in wali Maamulka Hargeysa uusan wali garowsan xaqiiqada dagaalka. Taliyaha...

Wafdigii Beesha Caalamka oo hadda kulan xasaasi ah la leh Madaxda Dawladda PL & Puntland oo mawqif cad ka istaagtay

GAROOWE(P-TIMES)- Wafdi kasocda Beesha Caalamka ee daneysa Arrimaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Garoowe, waxayna hadda Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe shir kula leeyihiin Madaxda ugu sareysa dawladda Puntland oo ay ka wada hadlayaan ujeedada socdaalkooda, waxaana hogaamianaya Peter De Clercq oo ah Kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna u qaabilsan...

XOG: PTIMES oo xog ka heshay Ujeedada socdaalka Cali Khaliif ee M/weynaha Somaliland ugu soo diray magaalada Laascaano?

LAASCAANO(P-TIMES)- Cali Khaliif Galeyr oo horey u soo noqday Madaxweynaha Khaatumo kuna biiray maamulka Somaliland oo horey ay u dagaalsanayeen, ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee uu ka soo jeedo, halkaa soo ay hareeyeen dibadbaxyo waa weyn iyo rabshado looga soo horjeda joogitaanka ciidamada maamulka Hargeysa ee magaalada iyo guud ahaan gobalka Sool. Warsidaha Puntlandtimes.com...

WAR DEG DEG AH: Wafdi Caalami ah oo kuwajahan magaalada Garoowe, Yeyse la kulmayaan?

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada GAroowe ee caasumada Puntland ayaa sheegaya in wafdi ka socda Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ay hadda ku sii jeedaan magaaladaas, si ay ula kulmaan Madaxda dawladda Puntland oo ay kala hadlayaan sidda wararku sheegayaan arrimaha ku saabsan xiisadda colaadeed ee ktaagan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool. Warar hordhac ah ayaa sheegaya...

XOG RASMI AH: Agaasimaha Madaxtooyada DF Soomaaliya oo waji gabax kala kulmay Madaxda ciidamada & Sirdoonka ee dalka Itoobiya, diideyna qorshe uu damacsanaa?

MUQDISHO(P-TIMES) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Xaaji Yaasiin oo ah hadda loogu yeero mulkiilaha Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka mid noqday wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo tagay magaalada Addis Ababa, waxaana magaca Fahad Yaasiin laga reebay liiska rasmiga ah ee ay marti qaaday wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Itoobiya. Warsidaha Puntlandtimes.com...