SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyey & Hadda waxa ka socda Jiidaha G Sool.

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya deegaanadii ay maanta ka dhaceen dagaalada u dhaxeeya Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in caawa goobahan ay ka taagan yihiin xiisadaha colaadeed oo taagan heerkii ugu sareeyey, waxaana adag in la ogaado sidda ay xaaladu tahay.

Saraakiil katirsan labada dhinacba waxay u cadeeyeen Puntlandtimes.com in uu jiro khasaare leh, dhimasho, dhaawac iyo Hanti la kala qabsaday intii uu socday dagaaladii xooga badnaa ee maanta dhacay.

Wararku waxay sheegayaan in tiradda dhimashada guud ay isku tahay 45 qof kuwaas oo ah dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka maanta, dhaawacyada ayaa gaaraya isku dar guud in ka badan 75 Askari.

Gurmadyo xoog badan ayaa u imaanaya dhinacyada Puntland & Somaliland, waxaana meel adag gaaray xiisadda oo dagaal rasmi ah hadda isku bedeshay.

Wariyaal kusugan magaalada Laascaano ayaa sheegaya in ay sidaas u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada Somaliland oo sheegay in hubka culus ay Puntland ku garaacday saldhigaas, isla markaasna uu dab-qabsaday mid kamid ah keydadkii ay ciidamadaas lahaayeen.

Taliyaasha labada dhinac ayaa si wanaagsan isku garanaya, waxaana Taliye kasta hadda uu ciyaarayaa aqoontiisa ku aadan Dagaalada iyo sidda ciidan loo jabiyo.

7 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyey & Hadda waxa ka socda Jiidaha G Sool.

  1. Dagaal waa gelin danbe,
    Soomaliland wali dagaalkeedu ma uusan bilaabmanin,
    fulaygu ninka wuu gaadaa

    hadii somalliland lagu jabin waayey, markii ciidanka soomaliland ay ciidan kooda xoogiisu maqan yahay,

    hada ayuu dagaalku imaan doonaa ee hala sugo waxaad rabteen waa uu idiin imaan doonaa

    Soomaaliland waxii soo doonta cagta ayey marin kartaa

    maanta soomaliland cagta ayey marisay, Ciidankii Soomaaliya ee soo weeraray

    ciidan ka farmaajo jab iyo hoog ayaa ku dhacay.

    Reply
  2. Garowe waa laga barooranaya maanta. Walaashay ayaa ila soo hadashay ayado tiri ragg badan ayaa la inaga dilay. Duuf ku baxe Camay dadaka runta ha uu sheego wiilasheena waa la mariyay.

    Reply
  3. PUNTLAND DHIMASHADU WAA 32,DHAAWACUNA WAA 56.Waxana laga qabtay maxaabiis,hub ay ka yaaceen,7 gaadhi oo kuwa dagaalka ah,hal taangi.CIIDANKA PUNTLAND WAATII LAGU WAREEJIYAY DAWLADDA SOMALIA MARKAA MA BEEN BAA INAY YIHIIN CIIDANKA SOMALIA EE TAAGTA DARAN IYO MALIISHIYO ILAA KISMAAYO ISAGA YIMI MAANTANA MAYDKOODU YAALLO JIIDIHII LAGU DAGAALAMAY.XALAYNA WAXA LAGA QABTAY GAADHI SAAKANA WAA LAGU BILAABAY.SAAKA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND WAXAY KU SUGNAAYEEN GOD-QABOOBE OO GAROOWE 10 KM YJIRA.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada