Ciidamada Difaaca Puntland oo guul ka gaaray dagaalada iyo Dagaalka oo sii xoogeystay aagaga qaarkood

LAASCAANO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in uu hadda socda mar kale dagaal adag oo ka qarxay deegaanadaas.

Dagaalkii la galay aroornimadii hore ee saaka ayaa yara qaboobay saac ka hor, balse goor dhaw ayuu dib u bilowday dagaal qaraar oo ka bilowday jiido hor leh.

Taangiyada dagaalka ayaa la maqlayaa hubka ka dhacaya, sidaas oo kale khasaaraha ayaa sii kordhaya.

Wariye katirsan Warbaahinta oo kusugan goobaha dagaalka ayaa u xaqiijiyey Puntlandtimes in uu indhihiisa ku arkay baabuur dagaal oo laga gubay dhinaca Somaliland, sidaas oo kale uu arkay dhaawacyo loo daabulay dhinaca magaalada Laascaano.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Difaaca Puntland ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in ay horumar ka sameyeen labo kamid ah aagaga dagaalka, ayna hadda kusugan yihiin gudaha magaalada Tukaraq ee gobalka Sool.

Sarkaalkan wuxuu beeniyey warar ay baahinayaan warbaahinta Hargeysa oo ay ku sheegayaan in guulo ay gaartay Somaliland.

FAAHFAAHINTA SI AAD U HESHO RIIX HALKAAN

5 Comments

  1. Anonymous says:

    waakaxunahay dhiig islaam oodaata laakiin samamadiide dhibbuu dhadhamiyaa muuse biixi weligii dhiig soomaaliyeed buufaraha kula jiray maantu kagubanayaa fararha

  2. Anonymous says:

    Imisaan imisaan ka daa niri

    imimsaa imisaase loo digay

    Iidoor wax badan baa la yiri ka daaya

  3. Anonymous says:

    IN DALKAAGA AAD DIFAACDO WAA WAAJIB….
    AWAL HADAANU NAHY REER SOMALILAND 18 KA MAY BAY U DABAAL DAGI JIRNEY…
    BEENTA IYO GARDARADIINU WAXAY NA SIIN DOONTAA MAALIN KALE OO QAALIYA OO AANU U DABAAL DEGNO…
    15 MAY.. BAL SOO SODA.. WAXAD HES

  4. waxan u hanbalyenaya cidankaya soomajestayashaha sida gaar ka ah u dababaran dawlda puntland qaybohoda cadokina hajabo waa idin garab daganahay malin oyo habenba

  5. Anonymous says:

    Jidbaysane

    Waa GUUL gesiyaashii puntiland

Leave a Comment