Cutubyadii ugu badnaa ee Difaaca Puntland oo gaaray Jiidaha dagaalka, Rasaasta oo si toos ah loo maqlayo & Aagaga dagaalka

TUKARAQ(P-TIMES)- Wariyaasha & Goobjoogayaal kusugan deegaanada Tukaraq iyo agagaaraha ku xeeran ee dhinacyada Barriga & Galbeedka ayaa sheegaya in cutubyadii ugu badnaa ee ciidamada Puntland oo tan iyo shalay aan galin dagaalada ay hadda ku jiheysteen jiidaha dagaalka.

Gaadiidka culus ee dagaalka ayaa horumar ka sameeyey madaafiicda goobta oo si toos ah mudo ka badan 2 saacadood loogu garaacay saldhigyadii ugu waa weynaa ee ciidamada Somaliland.

Mid kamid ah Taliyaasha ciidamada oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa u sheegay in ay qabaan amarka xoreynta dhulka Puntland, ayna jawaab cad ka bixinayaan imika duulaamadii mudada dheer ay soo waday Somaliland.

War ka madax banaan dhinacyada oo ay heshay Puntlandtimes.com wuxuu daaha ka rogayaa in cutubyada sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ay hadda ku wajahan yihiin furimaha dagaalka, kuwaas oo shalay aan galin waxba dagaal ah.

Goobjooge kusugan galbeedka Gambara ayaa u waramay Puntlandtimes, wuxuuna u sheegay in uu indhihiisa ku arkay ciidamada Puntland oo kusugan dhanka galbeed ee Tukaraq kuwaas oo masaafo yar u jira Buundada Gambara oo ah halka ugu adag ee ay degan yihiinc ciidamada Somaliland.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda mudada saacadaha socotay ayaan la ogeyn ilaa hadda, balse wariyayaal ayaa sheegaya in ay arkayeen qiic, Uuro iyo dhawaaq qarax oo laga maqlay meel masaafo durugsan u jirta magaalada Tukaraq, halkaas oo ah deegaanka Higlada oo ay yaaleen hubka culus oo ay leedahay Somaliland.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

10 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Cutubyadii ugu badnaa ee Difaaca Puntland oo gaaray Jiidaha dagaalka, Rasaasta oo si toos ah loo maqlayo & Aagaga dagaalka

  1. Ilaahay ha kalaa qaboojiyo dhiiga dadanayaa ee somaliyeeed ;laakiin nimanka labaxay somaliland waxii aydoonayeen maanTay hayaan
    Waxaan urajanayaaa cidananka puntland gool

    Reply
  2. Dagaalkan waa lagu Januar ciidankeenii PUNTLAND

    Dagaalka looma dhama
    Red to dhan ayaan ciid is dhimanin oo ka dhaawamanin.

    Reerana way ku dhamaadeen wiilashoodii

    Somaliland lama dagaalami karnaa
    Halooga soo baxo dadkooda

    Waayo way naga niyad fiican yihiin
    Dagaalka na way joogaa gacansareeyaan

    Dhaawacii baan xitaa ka soo cararnay.

    Somaliland 20 jeer bay naga ciidan badan tahay.

    Reply
  3. jabka in la qarsadaa ma fiicna dhaawaciinii ayad ka soo yaacdeen puntlandey
    xabada kulaylkeeda xejista
    gorowe wahpa noooma jirto ee anagaa idiin naxyna meel aad u qaxdaaana ma haysataan halkana hawiye oo idin cunaya halkana alshabaab markaa anagaaaba idiin naxaynee hdaaad jooogi weydaan gorowe oo wah ka yar 60km noo jirta ayanu galyna ee markaa maaatidiina u naxa ragow meesha xiniyo kuma hysaaane

    Reply
  4. sxbayaaal soomaaalilandey finalka dagaaalka waaala gaari dooona sheekadu waaa alow kii roon reerka ureeeb wiilasha puntland maanta dagaaal ugu horeyso iyo dhimasho lkn dadkaaan wali geerida dhadhamin waa idinka eee meeel fariista soomaalilaanay

    Reply
  5. War deg deg ah…
    GAROOWE OO LOO AQOONSADAY CAASIMADA AFATAAD EE SOOMALILAAND…
    IYO CUTUBYO GAARA OO LOOSOO DHARIYEY INTAAS…
    waar niyow nimanku maxay ahaayeen WAR DEGDEGA oo aanay waxba ka jirinbay nagu wareeriyeene….
    Waxan intaynu ka baxno xisaaba inaga danbeysee ….. ramadan kareem ma isagu bishaareynaaa.. oo ma iska cibasdaysanaa…

    Reply
  6. War deg deg ah…
    GAROOWE OO LOO AQOONSADAY CAASIMADA AFARAAD EE SOOMALILAAND…
    IYO CUTUBYO GAARA OO LOOSOO DHARIYEY ARINTAAS…
    waar niyow nimanku maxay ahaayeen WAR DEGDEGA oo aanay waxba ka jirinbay nagu wareeriyeene….
    Waxan intaynu ka baxno xisaaba inaga danbeysee ….. ramadan kareem ma isagu bishaareynaaa.. oo ma iska cibasdaysanaa…

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada