Dagaal xoogan oo ka dhacay Aagag Sool & Khasaare ka dhashay

TUKARAQ(P-TIMES)- War deg deg ah oo soo gaaray hadda Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in iska horimaad xoog badan uu goor dhaw dhexmaray ciidamada Puntland & Somaliland, kaas oo ka dhacay mid kamid ah aagagii ay dhinacyadu ku dagaalameen.

Rasaas xoog badan ayaa laga maqlay goobta, waxaana la sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen ciidamo Somaliland ah oo doonayey in ay soo galaan mid kamid ah difaacyada ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland, waxayna si cad iskaga difaaceen weerarkan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu jiro baabuur laga gubay ciidamada Somaliland, dagaalkana uu ku istagay cimilada oo gashay waqti habeenimo ah, waxaana la maqlay hubka culus oo ay dhinacyadu xiligaas si adag u bilaabeen.

FAAHFAAHINTA KALA SOCO RIIX HALKAAN

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Dagaal xoogan oo ka dhacay Aagag Sool & Khasaare ka dhashay

Halkaan Ku Qor Fikirkaada