Dagaalkii oo sii xoogeysanaya & Guulo ay gaareen ciidamada Difaaca Puntland

GAMBARA(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes uu ka helay jiidaha dagaalka ee duleedka Laascaanood ayaa sheegaya in uu dagaalkaas sii kululaaday, isla markaasna ilaa hadda la xaqiijinayo khasaare xoog leh oo dhinacyada kala gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada Difaaca ee Puntland ay la wareegeen labo kamid ah saldhigyadii ugu waa weynaa ee ciidamada Somaliland, dagaalka ugu culus ayaa ka socda Laamiga dheer iyo galbeedka deegaanka Gambara ee gobalka Sool.

Wariye katirsan Puntlandtimes oo kusugan jiidaha hore ee dagaalku wuxuu sheegay in uu arkayo ciidamada Puntland oo ku durkayo laamiga dheer oo aysan saaka dagaaladu ku badneyn.

Cutubyo hor leh oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland ayaa horumar balaaran ka sameeyey jiidaha dagaalka ee Tukaraq iyo Agagaaraha ku dhaw dhaw.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanka Puntland ay qabsadeen deegaanka Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii sannadkan, isla markaasna uu sii xoogeysanayo dagaalka adag ee kasocda Duleedka Gambara oo ah taliska ugu weyn ee Somaliland.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

9 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Dagaalkii oo sii xoogeysanaya & Guulo ay gaareen ciidamada Difaaca Puntland

  1. Bal hadhaw yaan LA Armin nimankii aad lahdeen waan jabinay oo bartoodii iskaga shaahaynaya amaba horena u ski dhaafay.

    Halkii kaare we aad Gaalkacyo Ku haysateen we aad nukliyeerka moodeyseena was LA idinka qabtay.
    Taangiyadu Somaliland inay ka buuxaan warba uma hayaan.

    Bal beenta aad soo qorteen markaad leedihiin tikniko ayaan qabsanay xili roobku da’a yo, sawirka dib u eeg, waxaad arki gaadhi abdi bile ah oo meel San rooba hayn dhex taagan

    Reply
  2. Bal hadhaw yaan la arkin nimankii aad lahaydeen waan jabinay oo bartoodii iskaga shaahaynaya amaba horena u ski dhaafay.

    Halkii kaare ee aad Gaalkacyo Ku haysateen ee aad nukliyeerka moodeyseena waa LA idinka qabtay
    Taangiyadu Somaliland inay ka buuxaan warba uma hayaan.

    Bal beenta aad soo qorteen markaad leedihiin tikniko ayaan qabsanay xili roobku da’a yo, sawirka dib u eeg, waxaad arki gaadhi abdi bile ah oo meel aan rooba hayn dhex taagan

    Reply
  3. Hilaac baxay

    Geesiyaasha macagagiinta puntiland wixii arkaa waa dhuisaan mantana iidoor maxaa wabsaday ala maxaa qabsaday.
    Hadii nin qooqayo anaa qooqaya walaanan ninkale kaqooqayn sool saa anaa daaroodoo kablalaxoo hartoo majeerteena oo Boqorka ah

    Reply
    1. Bal car maanta Puntlandeey rag iska dhigoo hal meel qabsada. kolba waxba sawiro ha isku maaweelininee.

      Ragu markuu is dilo, qaar baa dhiman, baabuurta baa Cuban, halaag waa dhici laakiin muhimku waa yaa guushu raacday?
      yaa dhul cusub qabsaday?
      yaa LA baacsaday?

      hadii aad naga adkaataan waan idiin hambelyeynaynaa ee bal horta naga adkaada intaad faan meelahaa LA soon taagan tihiin.

      Reply
  4. Dagaalka maanta bilaabmay maaha mid istaagaya
    Puntland waxa ay maanta haysaa faaiidada dagaalka ay mudo raad raadinaysay

    dagaalkan maaha kii Gaalkacyo, waayo faraha ayaa laysula tagayaa
    horey ayaan u sheegay in dagaalka Somalia iyo Soomaaliland aanuu noqonayn mid fudud, balse uu noqon doono, dagaal aan la mahdinin

    Soomaaliland maanta guuldaro mid ay aqbalayaan maaha, mana dhici karto in soomaliland dagaal looga adkaado, waayo ciidanka soomaliland waa ciidan aan guuldaradu aanay wax ay aqbalikaraan

    Soomaaliland waxa ay xaq u leedahay in ay maanta xadka lasoo xidho.

    Soomaaliya maalin danbe dagaal lagama maqli doono. dhimasho runa iyo kala orod runa ayey arkeyn.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada