Dagaalkii oo yara qaboobay & Wararkii ugu dambeeyey ee Khasaaraha iyo goobaha hadda la kala joogo.

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya deegaanada Tukaraq & Gamaraba ayaa sheegaya in dagaal culus uu duhurnimadii maanta mar kale ka dhacay deegaanka Tukaraq oo ay ciidamada Somaliland awoodooda oo dhan iskugu keenen.

Wariye kusugan deegaanka Gambara ayaa sheegay in galbeedka deegaankaas uu ka dhacay dagaal adag oo kudhawaaday in laga qabsado Somaliland mid kamid ah talisyada ugu waa weyn.

Wariyahan wuxuu kaloo sheegay in uu arkay meydad gaaraya 20 Askari oo katirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo baabuur weyn loogu gudbiyey dhinaca magaalada Laascaanood.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalkii dhacay duhurnimadii oo ka badan kuwii saaka ayay wararku sheegayaan in la kala geeyey Caynaba & Garoowe, taas oo ka dhigan in uu ahaa dagaal culus.

Maleeshiyaadka Somaliland ayaa ciidamadooda iskugu geysay deegaanka Tukaraq, waxayna qoteen godad waa weyn, kuwaas oo keenay in ay si fudud uga bixi waayaan difaacyadooda, waxaase soo gaaray khasaare xoog leh.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ka gaabsanaya in ay ka hadlaan arrimaha dagaalka, maadaama aysan waxba fasax ah ka heysanin dhinaca dawladooda.

Wasiiro katirsan dawladda Puntland ayaa kusugan jiida hore ee dagaalka, waxayna goor dhaw la hadli doonaan warbaahinta, sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaanka God-Qaboobe ee gobalka Sool.

Goobjoogayaal kusugan deegaano kuyaala galbeedka Gambara ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamada Puntland oo ka guuraya saldhigyadii ay shalay daganayeen, una talaabsaday saldhigyo cusub oo ay maanta ka qabsadeen Somaliland.

SI AAD U HESHO WARARKII U DAMBEEYEY RIIX HALKAAN

 

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Dagaalkii oo yara qaboobay & Wararkii ugu dambeeyey ee Khasaaraha iyo goobaha hadda la kala joogo.

  1. Wankaxumahaydagaalkamaanta dhexmaray,soomaalilan iyobutlaan ilaahay hakalaqaboojiyo dadkawalaalahee shaydaanku iskugeeyay xaqa iyo iimaanka ilaahay haidinkuhanooniyo iskuhalaagante,e

    Reply
  2. subxanallaH. war waxd soo qoraysan u fiirsada somaliland bay waxani ku dhecen bad ledihiin une war wararka dadka usoo gudbinaysan kuwa dhexdhexada oo lagu kolsonankaro ha noqdan. kolay way muuqata inad reer Garowe niyada u dhisaysaane. Hhhhh

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada