Dagaalkii ugu cuslaa oo goor dhaw ka qarxay duleedka Gambara

GAMBARA(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Gambara ee gobalka Sool ayaa sheegaya in uu goor dhaw dib u bilowday dagaalkii ugu cuslaa oo dhexmaraya ciidamada Difaaca Puntland & maleeshiyaadka maamulka la baxay Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in uu dagaalkan mar kale ka bilowday sadex aag oo kala duwan, isla markaasna ay si xoog badan xabadu uga dhacayso deegaanadaas oo dhan.

Dagaalkan ayaa ka duwan kii saaka dhacay, maadaama aroornimadii hore uu da’ayay roob xoog badan oo ay ciidamada ku adkeyd in ay horey u socdaan, sidda ay ku waramayaan wararku.

Wariyaha Puntlandtimes.com ayaa kusugan jiida hore ee dagaaladu ka socdaan, nala wadaagi doona Sawirro iyo xogaha ugu dambeeya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Dagaalkii ugu cuslaa oo goor dhaw ka qarxay duleedka Gambara

Halkaan Ku Qor Fikirkaada