Dhawaqa Madaafiic Culus Oo Laga Maqlay Gudaha Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho.

MUQDISHO(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in Madaafiic Culus Saaka aroortii lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada Dowladda Turkiga ay ku lee yihiin Deegaanka Jaziira ee Muqdisho.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in Dhawaqa tiro Madaafiic ah ay Saaka Maqleen, Iyagoona intaas ku daray In Madaafiicdan oo ahaa kuwo si weyn looga dareemay Deegaanka iyo Meel ka baxsan lagu Dhuftay Saldhiga Ciidamada Dowladda Turkiga, kaas oo lagu tababaro Ciidamo Soomaali ah.

Xarakadda Al-Shabaaba ayaa Baraheeda Internet-ka ku Baahisay in Madaafiic gaaraysa 13, ay Saaka Aroortii ku Garaaceen Saldhiga Dowladda Turkiga ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Sheegtay in Madaafiicdan ay ku Beegtay Saldhiga, xilli ay uu ka socday Diyaar-garow ay Sameynayeen Ciidamada Soomaalida ee Lagu tababaro Saldhiga, kuwaas oo galayay Tababaradoodii Maalin laha ahaa.

Illaa iyo haatan lama Oga Khasaaraha ka dhashay Madaaficdan oo sida Al-Shabaab Sheegtay ahaa kuwo Xooggan, Mana jirto Wax war ah oo ka Soo Baxay Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidamada Turkiga ee Saldhiga ku sugan, kaasoo ku aadan Madaafiicdan.

Wixii Ka Soo Kordha Kala Soco P-TIMES

PUNTLAND TIMES

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Dhawaqa Madaafiic Culus Oo Laga Maqlay Gudaha Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada