Iska horimaad dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan Puntland & Somailand, Deegaanka Tukaraq iyo cabsida oo korortay..

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xiisadii ugu badneyd ay ka taagan tahay deegaankaas, lana maqlay hubka culus oo ay rideen dhinacyadu subaxnimadii hore ee saaka iyo dhaqdhaqaaqyada oo gaaray heerkii ugu sareeyey.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ka dhacda gaadiidka waa weyn ee dagaalka laga maqlay aagaas, taas oo keentay in ay dadka deegaanku cabsi awgeed moodeen dagaal toos ah oo ka bilowday aaggaas.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa u sheegay in ay jiraan Sahamo is helay, balse ilaa hadda uusan jirin dagaal toos ah oo dhinacyada ka dhex bilowday.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyada 4 qof oo ka kala tirsan labada dhinaca ee Puntland & Somaliland, kuwaas oo firiro ay soo gaareen, waxaana an la ogeyn xaqiiqada rasmiga ah.

FAAHFAAHINTA KALA SOCO RIIX HALKAAN

Leave a Comment