M/weyne Gaas oo goor dhaw ka soo dagaya madaarka Garoowe, kuna dhawaaqaya war culus

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw laga sugayaa magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, isagoo soo gaabiyey safar uu ku joogay magaalada Baydhabo, maantana kaga qeybgali lahaa shirka Amniga Qaran ee Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa u soo deg-degay arrimaha ka taagan deegaanka Tukaraq iyo agagaarkeeda oo ay ku dagaalamayaan ciidamadiisa & kuwa maamulka la baxay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa wariyaasha la hadli doona, waxaana lafilayaa in uu ka hadlo arrimaha dagaalkaas, isagoo xalay u sheegay Idaacadaha gudaha in layska dhici doono Somaliland oo cashar loo dhigi doono.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in looga baahan yahay SHacabku in ay doorkooda qaataan oo ay garab istaagaan ciidamada difaaca ee dawladda Puntland, waxaana la sugayaa arrimaha shirka jaraa’id.

SI AAD U HESHO WARARKII U DAMBEEYEY RIIX HALKAAN

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “M/weyne Gaas oo goor dhaw ka soo dagaya madaarka Garoowe, kuna dhawaaqaya war culus

Halkaan Ku Qor Fikirkaada