Madaafiic culus oo laga maqlayo Jiidaha dagaalka, Dagaal adag oo labo aag ka socda iyo Khasaare dhinacyada kala gaaray

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka culus uu si toos ah uga qarxay deegaano ay maalmihii u dambeeyyey isku hor fadhiyeen ciidamada Puntland & Somaliland, waxaana la maqlayaa hubka culus.

Goobjoogayaal ka fog deegaanada ay dagaaladan ka socdaan ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in ay maqlayaan hubka culus oo ay dhinacyadan isku adeegsanayaan.

Gaadiidka caafimaadka deg deg ah oo sadex baabuur ah ayaa soo galay dhinaca ciidanka Somaliland, waxayna dhaawacyo u gudbiyeen magaalada Laascaanood, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Gambara.

Nooc kasta oo uu yahay hubka culus ayay dhinacyadu adeegsanayaan, waxaana wararku sheegayaan in uu jiro khasaare kala gaaray dhinacyada oo ku bilowday hubka duqeymaha ama difaacyada lays kaga saarayo.

SI AAD U HESHO FAAHFAAHIN DHEERAAD AH RIIX HALKAAN

Leave a Comment