Madaxweynaha Puntland oo si deg deg ah ugu soo laabanaya caasumada Garoowe, kuna dhawaaqi doona..

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku joogay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa soo gabagabeynaya safarkiisa, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka soo tagay shirka madasha Hogaamiyaasha Soomaalida ee dawlad gobaleedyada oo socda, arrimaha dagaalada awgood, wuxuuna si gaar ah uga dagayaa magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas ayaa qorshihiisa u ahayd in uu ka dago magaalada Gaalkacyo, si uu u dhagax-dhigo mashaariic ay ka mid tahay Marsada ama dekeda loo sameynayo magaalada Garacad.

Madaxweyne Gaas oo ahna Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland ayaa la filayaa in uu ka hadlo arrimaha dagaalada ka socda gobalka Sool, isagoo horey u balan qaaday in dalka laga difaacayo cid kasta oo ku soo duusho.

Saacad intii uusan soconin dagaalka Sool ayaa Madaxtooyadu ay ku dhawaaqday in ay dadka iyo dalkeedaba difaacayso, isla markaasna ay weerarada socda soo qaadeen maamulka la baxay Somaliland.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

2 Comments

  1. wiil sool says:

    aniga fahmi waayey e dadoow yaa kala cadeeyn kara wararkaan is khilaafsan e puntland kasoo baxaya. waa nala soo weeraray iyo laascaanood baan xoreeyneynaa sidee isu qaban karaan????

  2. Anonymous says:

    Saaxibow iska maaweelo caruureed uun kasooqaad…
    Waa niman jabay…
    Nin daad qaaday xunbo ciskay….

Leave a Comment