Maxaa dhexmaray maanta Ergayga gaarka ah ee QM U qaabilsan Soomaaliya & Madaxda Mucaaradka Somaliland, oo kuwajahnaa Tukaraq?

HARGEYSA(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu maanta barqadii qabsoomay kulan gaar ah oo dhexmaray Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, oo ku saabsanaa xaaladda Deegaanka Tukaraq oo ay ka jiraan colaado u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Mansoor ee magaalada Hargeysa ayaa intii uu socday Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya wuxuu muujiyey walaaca iyo welwelka ay Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa ka qabto xaaladda dagaalada gobalka Sool, wuxuuna u sheegay Mucaaradka in ay arrintaas tahay mid ay ka walaacsan tahay Qaramada Midowbay.

Mr, Keating wuxuu kaloo u sheegay in ay is arkeen Madaxweynaha Somaliland oo ay ka wada hadleen, laakiin aysan jirin natiijo wanaagsan oo ku aadan arrimaha hadda ka socda Tukaraq, oo uu sheegay in ay welwel weyn ka qabaan.

Mucaaradka Somaliland waxay u sheegeen Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating in shaqadaas ay leedahay Xukuumadda talada haysaa, aysana waxba ka bedeli Karin, oo ay arkayaan go`aanka ay qaadatay ee ah in aysan soo celin ciidamadeeda.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay in aysan wada hadal kala galeynin Xukuumada talada haysa arrimaha ku saabsan xaaladda Tukaraq, ayna la qabaan fikrada golayaasha xilalka haya ee maamulka Somaliland.

Guuldarro ayey wararku sheegayaan in uu Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating kala kulmay safarkiisii uu nabadda ugu raadinayey maamulada Puntland & Somaliland, gaar ahaana sidii wax looga qaban lahaa xiisada u dhaxaysa labadaas dhinac.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada