Taliyayaal ciidan oo muhiim u ahaa Somaliland oo meydkooda la geeyey Isbitaalka Caynaba & Dhaawacyada oo laga leexiyey Laamiga.

CAYNABA(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Caynaba & Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in labada Isbitaal ee magaalooyinkaas la geeyey dhaawacyadii ugu faraha badnaa ee kadhashay dagaalada ka socda gobalka Sool, gaar ahaana deegaanada Duleedka Laascaano.

Wariyayaal madax banaan oo kusugan magalaada Caynaba ayaa sheegay in la keenay Isbitaalka magaalada dhaawaca 45 Askari oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare oo katirsanaa ciidamada Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in ay Somaliland ku weyday dagaalkaas afar kamid ah Jeneraaladii hogaaminayey dagaalkan, gaar ahaana taliyihii guud ee howlgalinta, Taliyaha gaadiidka iyo Madaxii Saadka oo dhamaantood ku dhintay dagaal adag oo ka dhacay galbeedka magaalada Gambara oo ay ku ruqaansadeen ciidamada Puntland.

Wariye madax banaan oo kusugan magaalada Burco ayaa sheegaya 12 baabuur oo ah nooca gaadiidka deg deg ah ay soo gaareen Isbitaalka magaalada, isla markaasna ay muuqato in dagaal adag uu dhacay.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo ay la hadashay Puntlandtimes.com waxay u sheegeen in ay og yihiin dhimashada 3 sarkaal oo sar-sare kuwaas oo kamid ahaa hogaamada ciidamada maamulka la baxay Somaliland.

PUNTLANDTIMES.com ayaa ogaatay goor sii horeysay geerida Jeneraalkii ugu sareeyey ciidamada Somaliland ee loo soo xilsaaray duulaanka Tukaraq, kaas oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin eheladiisa.

SI AAD U HESHO WARAR SUGAN RIIX HALKAAN

9 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Taliyayaal ciidan oo muhiim u ahaa Somaliland oo meydkooda la geeyey Isbitaalka Caynaba & Dhaawacyada oo laga leexiyey Laamiga.

  1. Dhakhdaland hana barato. 27 sano oo aanu Hawiye koonfur kusii jeednay baan ka amaan waynay.

    Intaan is lahayn dadka cuqdad hore bay qabaan o wax bay tirsanayaan bay nagu kibreen

    Reply
  2. Mayd wuu imanayaa meel dagaal ka dhacay lkn,puntland waxay la foolanaysay shan bilood maxay Ku dambaysay kkk weerarkii gaadmada ahaa ee dhawrka jiho ay kagasoo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland waa lagu jebiyay dhufaysyadoodiina waa la jiidhay waxana hadda kusugan ciidanka qaranka somaliland,waxana laga qabsaday puntland hal taangi iyo gaadiid tikniko ah oo badan iyo maxaabiis fara badan dhawaan ka daawada tv-yada maxaabiistiinna iyo darxumadooda iyo hubka laga furtay.DAGAALKIINA HADDA AYUU DIB UBILAABMAY WAXANA LA SOCONAYAA ILAA GAROOWE CIYAARINA WAA GELIN DAMBE HADDANA ANNAGAA 5-0 KU HOGAAMINAYNA.PUNTLAND IYADAA MALAGEEDI GALAY.MARKA HALLA ADKAYSTO DURBA YAAN LA BAROORANEE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKGUUL CIIDANKA QARANKA JAMHUURIYADDA BARAKAYSAN EE SOMALILAND,BUUFIYA FAQASH KA HADHKA AAKHIRONA UDIRA.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada