Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka aloosan G Sool & Xogihii u dambeeyey

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanada gobalka Sool ee ay ka socdaa xiisadaha colaadeed ayaa sheegaya in ay xaaladdu galabtay ka duwan tahay sidii ay ahayd maalintii shalay iyo maanta galinkii hore.

Wariye katirsan Puntlandtimes oo tagay jiidaha ay dhinacyadu isku horfadhiyaan ayaa soo tabiyey in ay jiraan guulo ay shalay gaareen ciidamada Puntland ee ka dagaalamay galbeedka deegaanka Tukaraq, balse ay dib ugu laabteen saldhigyadii ay joogeen horaantii 14-kii bishan May.

Sidaas oo kale wariyuhu wuxuu sheegay in uu arkay xaaladda ka taagan deegaankaas oo ah mid dhiilo colaaded xambaarsan, dhinacyaduna ay si toos ah u helayaan gurmadyo xoog badan oo uga imaanaya magaalooyinka ay kala haystaan ee ka durugsan goobaha dagaalka.

Puntlandtimes.com waxay ogaatay in aysan jirin deegaano badan oo la kala qabsaday dagaalkii shalay, balse ay jirtay gaadiid dagaal oo ay kala qabsadeen labada dhinacba, waxayna dhinaca Somaliland soo bandhigeen gaadiid dagaal, halka dhinaca kalena sidaas oo kale ay keenen gaadiid dagaal iyo maxaabiis la sheegay in ay hayaan.

Goobjoogayaal dhinacyadan ka madax banaan oo shalay aaga jogay ayaa sheegay in ay Somaliland dib u jiidatay 3 baabuur oo laga gubay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Beebayaasha dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in cabsi weyn laga qabi karro dagaal weyn oo berrito ka dhaca aagaga ay dhinacyadan isku horfadhiyaan, waxaana adag in la ogaado xogaha hoose ee dhinacyadan.

Leave a Comment