Wararkii ugu dambeeyey Caawa & Jiidaha dagaalka, maxaase ka socda Jiidihii galabtay dagaaladu ka dhaceen.

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo warsidaha Puntlandtimes.com hadda ka helayo aagaga kala duwan ayaa sheegaya in ay caawa xaaladdu tahay mid adag oo ay dhinacyadan oo dhan ku jiraan diyaar garoow dagaal, xili ay bilaabatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Talisyada labada dhinac ayaa leh kulamo xariir ah oo ay uga hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo sidii ay go’aan rasmi ah uga qaadan lahaayeen difaacyada ciidamada is dul-fadhiya iyo weeraradii ugu dambeeyey.

Abaabulka ay wadaan labada dhinac ayaa sii kordhaya saacadihii ugu dambeeyey, mana jirro wax war ah oo ku saabsan.

Sidaas oo kale warar hoose ayaa sheegaya in ay Somaliland xoogeeda ciidanka iskugu keentay deegaanka Higlada, halkaas oo ay cabsi badan ka qabto in uu ka dhaco dagaalka ugu culus ee dhexmara ciidamada labada dhinac ee Puntland & dhankooda.

Wararku waxay kaloo cadeynayaan in aan saadaalin guud laga bixin Karin marxaladda hadda ka taagan Tukaraq, balse waqti kasta la filan karro duulaan culus oo ka dhex bilowda labada dhinac, waxaana dhinaca Somaliland ay hadda wajahayaan xaalado kala duwan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

2 Comments

  1. Dagaalkani waa dagaal ahli,labada maamul ee somaliland iyo puntland waa inay dhowraan nabad gelyada iyo deganaanshaha shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan nugaal iyo sool baaqayguna labada maamulba waa hala joojiyo dagaalka oo wada hadal halagu dhammeeyo wixii siyaasad ah ee la isku hayo.hana laga shaqeeyo nabada dhaqan ahaan iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada labada dhinacba.

  2. Waxalayidhi Fardo laysuhayo Maxaa laysagafaanin Waar Putland eey Inagu Waynu Isnaqaan Yaa Iska Dhaadhinaysaa Ciyaal Baatihiine Iska Daaya Cabaaka Oo Wax Iska Rawa Ama Yaaca Libaxii Wuu Soo Hamaansadaye

Leave a Comment