WARARKII ugu dambeeyey ee Xiisadaha Tukaraq, Iska horimaad kale oo galabtay dhacay & Kulamo adag oo caawa socda

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo Warsidaha Puntlandtimes ka helayo deegaanada Tukaraq, Laascaano & Garoowe ayaa sheegaya in ay xaaladdihii ugu dambeeyey yihiin kuwa ay dhinacyadu ugu diyaargaroobayaan dagaal rasmi ah oo ay galaan saacadaha iyo maalmaha nagu soo aadan.

Wariyaasheena ayaa sheegaya in iska horimaad kooban oo galabtay ka dhacay Agagaarkii saaka uu ka dhacay isku dhaco uu mar kale sababay khasaare dhaawacyo fudud oo kala gaaray labada dhinac.

Waa isku dhicii labaad oo saacado kooban gudahood dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland oo aagagan isku horfadhiyey afartii bilood ee lasoo dhaafay, waxanaa muuqata in ay xaaladdu aad isku bedeshay.

Kulamo gaar ah oo ay leeyihiin Guddiyada labada dhinac ee dagaalkan qaabilsan oo ka kala dhacay Garoowe & Laascaano ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ka taagan deegaankaas, oo maanta labo jeer isku dhac ciidan ka dhex dhacay.

Lama garanayo waxay ku dambeyn doonto xaaladda deegaankan oo hadda qarka u saaran in uu dagaal buuxo ka dhaco, waxaana guuldareystay dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midowbay sidda ay ogaatay Puntlandtimes.com, inkastoo rajada kaliya oo ay leeyihiin tahay in dhinacyada lagu canaanto cidda yeelan doonto masuuliyadda dagaal dhaca.

SI AAD U HESHO XOGO SUGAN WEHELKAAGA KA DHIGO PUNTLANDTIMES RIIX HALKAAN

 

Leave a Comment