Wararkii ugu dambeeyey Hogaamiyaasha Dawlad gobaleedyada oo ku sii qulqulaya Baydhabo, Yaase gaaray ilaa hadda?

BAYDHABO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa kusii qulqulaya magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmi doono shirka GEEDI SOCODKa Faderaalisimka ee Soomaaliya, kaas oo ay ka wada hadlayaan dawlad gobaleedyada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeedba ay xireen inta badan jidadka magaalada, iyagoo baaraya gaadiidka iyo dadweynaha socdaalayaba.

Ilaa hadda madasha Baydhabo waxaa gaaray Madaxweynayaasha Hirshabeelle & Jubbaland, waxaana lafilayaa in ay goor dhaw ka dagaan Madaxda Puntland & Galmudug oo hadda ka hawada kusii jira.

Madaxweynaha Puntland oo kahor intii uusan ka dhoofin magaalada GAroowe la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u tagayaan Baydhabo, shir muhiim u ah Hanaanka Faderaalisimka ee Soomaaliya, ayna tahay in laga wada qeyb noqdo.

Shirkan ayaa ah mid ay dhinacyadu uga wada hadlayaan khilaafka kala dhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana aan la garan Karin waxyaabaha ka soo bixi doona, xiligan uu ku soo beegmay waqti xasaasi ah.

Leave a Comment