WARBIXIN: Afar Bilood ka Dib Qabsashadii Somaliland ee Tukaraq, Maxaa is bedelay, maxaase hadda ka socda?

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Afar bilood ayaa kasoo wareegtay markii ay ciidamada Somaliland qabsadeen deegaanka Tukaraq oo fariisin u ahaaa Kastam dhaqaaleed ay lahayd Wasaaradda Maaliyada ee dawladda Puntland, waxaana kale oo ay ahayd Caasumada KMG ah ee gobalka Sool, maadaama Laascaanood ay horey u qabsatay Somaliland sannadkii 2007-dii.

Maanta afar bilood ayaa ka soo wareegtay markii ay Somaliland qabsatay magaaladaas Tukaraq, waxaana ilaa xiligaas laga dareemayaa goobahaas saan-saanta colaadeed ee u dhaxeysa labada maamul ee Puntland & Somaliland, mana jiraan wax wada hadal muuqda oo u dhaxeeya dhinacyada.

Somaliland waxay ku doodaysaa lahaanshaha Tukaraq & Yoocada oo masaafo dhan 20KM wax ka yar u jirta caasumada Puntland ee Garoowe, waxaana taasi ku dooday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayay magaalada Hargeysa.

Puntland-na waxay ku dooday in deegaano kamid ah dhulkooda ay ku soo xadgudubtay Somaliland, gaar ahaana Sool, Sanaag & Cayn, isla markaasna aysan marnaba aqbali doonin in Somaliland ay ciidamadeedu ku sugnaadaan deegaanadaas.

Halka ay Somaliland sheeganayso Yoocada oo Garoowe u jirta wax ka yar 20KM, Puntland waxay sheeganaysaa deegaanka Lagu magacaabi LABI-GAAMATA oo masaafo aan badneyn u jira magaalada Burco ee gobalka Togdheer ee Somaliland.

Muranka xaduudaha labada dhinacba waa mid soo jiitamayay tan iyo dhismihii maamuladan, waxaana ilaa hadda aan jirin wax wada hadal rasmi ah oo ay dhinacyadu ka yeesheen sidii is faham ay uga gaari lahaayeen dhulka ay isku hayaan, waxaana taasi dheer Somaliland oo in badan kasoo durugtay deegaanada ay sheeganayso.

Siyaasiinta gobalka Sool ee ku kala jira labada maamul ee Puntland & Somaliland waxay qolo kastaa doonaysaa in uu hirgalo damaceeda, waxayna xooga saarayaan sidii qof uun ay ugu hari lahayd gobalkaas, waxaana bilihii lasoo dhaafay iyo maalmihii dhawaaba la arkayay Siyaasiintaas oo saldhigyo ka sameystay deegaanada Fararyaaale & Gambara oo ay kala joogaan ciidamada ugu badan ee labada dhinac Puntland iyo Somaliland.

Falanqeeyaasha arrimaha labadan maamul ayaa leh xasarada ka aloosan Tukaraq waxay saacad kasta isku bedeli kartaa dagaal toos ah, kaas oo haddii uu dhacana saameyntiisu ay si buuxda labada dhinacba uga muuqan doonto, gaar ahaana xagga safarleyda oo is taagi doona, waxa oo maamulada soo gaari doona khasaare dhanka dhaqaalaha, ciidamada iyo shaqooyinka ah, maadaama dagaalku uu yahay wax adag.

Diyaar garowga labada dhinacba wuxuu gaarsiisan yahay heerkii ugu sareeyey ee abid ay ka sameeyaan xaduudaha ay isku hayaan, waxaana la rumeysan yahay in ay dhici karaan dagaalo culus, haddii aysan deg deg ku imaan tanaasulaad ay labada dhinac midkood sameeyo, xili ay labaduba toos u diideen in ay ka baxaan deegaanadaas, ayna dadaalada nabadda qaataan.

Beesha Caalamka oo inta badan la socota muranada iyo arrimaha isku qabsiga dhulka ee labada maamul waxay isku dayda in ay joojiyaan xiisadahan bilowgoodii, Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo ka hor hadlayay Golaha Amaanka ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegay in ay welwel ka qabaan halis dagaal oo ka dhacda gobalka Sool.

Lama garanayo waxay wajihi doonto xaaladdu afar bilood ka dib, balse Sadaasha ugu badan ee lahayo ayaa ah in ay dhinacyadu dagaalami karaan saacad kasta, ayna dhici karaan dagaalo culus oo aan horey labada dhinacba u dhexmarin, marka loo eego hubka culus, gaadiidka gaashaman iyo wax kasta oo ay qolo kasta awoodey oo goobahaas ay keeneen.

Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan jawiga colaadeed ee ay mudada dhan 120 maalmood ku sugan yihiin, qaarkood ayaa ka guuray deegaanka oo cabsi awgeed u tagay deegaano kale o aysan wax badan ka fahamsaneyn, taas oo loo arkay barakac cusub.

 

 

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “WARBIXIN: Afar Bilood ka Dib Qabsashadii Somaliland ee Tukaraq, Maxaa is bedelay, maxaase hadda ka socda?

Halkaan Ku Qor Fikirkaada