WARKII U DAMBEEYEY: Maxaa ka socda Jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada PL & S/LAND, Khasaarihii u dambeeyey Rasaastii saaka?

TUKARAQ(P-TIMES)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska horimaadyo kooban oo subaxnimadii hore ee saaka dhexmartay ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland oo 4-tii bilood ee lasoo dhaafay isku horfadhiya masaafo ka yar 15KM, waxaana muuqata in hadda xaaladdu aad iskugu bedelayso jawi dagaal.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhaawacyo gaaraya 4 dagaalame oo ah dhinacyada, sidaas oo kale warar dhimasho sheegaya ayaa soo baxaya laakiin ma jirto cid xaqiijin karta ilaa hadda, maadaama labada dhinacba ay ka gaabsadeen.

Wariyaasha Puntlandtimes.com oo ku foogan sidii ay xaqiiqo uga keeni lahaayeen dhacdooyinkan kuna sugan Garoowe & Laascaanood ayaa sheegaya in ay xaaladdu tahay mid isbedeshay wixii ka dambeeyey 11-kii bishan May 2018.

Ciidamada Puntland ayaa kordhiyey dhaqdhaqaaqyada Milateri, waxaana la geeyey deegaano aan waxba ka fogeyn magaalada Laascaanood, waxaana qof Goobjooge ah oo ka gaabsaday magaciisa uu sheegay in uu arkay ciidan katirsan kuwa Puntland oo kusugan meel u jirta Laascaano 15KM, taas oo ka dhigan in kaartooyinka dhinaca dagaalku sii xoogeysanayeen.

Goobjoogahan wuxuu sheegay in ay goobahaas saacadihii u dambeeyey Somaliland isku howshay sidii ay u buuxin lahayd, balse ay jiri karto cabsi xoog badan oo laga qabi karro dagaal ka qarxa deegaanadaas.

Hubka culus ayay labada dhinacba maanta oo dhan ridayeen, sidda ay sheegayaan dadka kusugan deegaano ka durugsan goobaha ay ku dagaalamayaan, waxaana iska cad in xaajada labada dhinac ay hadda ku koobnaatay oo kaliya Albaabka dagaalka.

Labada maamulba kama hadlin dhacdadan cusub iyo dhaqdhaqaaqyada socda, waxaana ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xaqiiqooyinka taagan, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyada aan qarsooneyn ee ay wadaan.

Lama garanayo sidda ay xaaladdu sidan sii ahaan karto, xili welwelka iyo cabsida ka sokow ay soo dhaw-dahay waqtiga Madaxtooyada Somaliland ay u diyaar garoobayso xuska 27 sanno guuradii kasoo wareegtay markii uu maamulkaas sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya, taas oo waqtigeda laga soo hormariyey.

2 Comments

  1. Hoolif says:

    Qorayayasha websites ka puntlandtime
    Dagaalki afkuu kagagaa haray waxaaaa has.xiiijininaa dhiigana hasku karininaa intaa gaas jooogo dhul lasoo celiyaaa hajoogee intaa dhimanbaa khadar ku jirtaaa nimayohow aniganaa hanaa wareerininaa idinkunaa haywaalinaa
    Sidaan wadaa rabnoo waa dhulkoo lasoo celiyoo laaakiin idiot gaas intuu joogoo iskaa iloobaa in reerpuntland ciillkaa baxaan

  2. muxyadin says:

    warkii.udameyey

Leave a Comment