XOG DEG DEG AH:- Masuul Sare Oo Tirsan Somaliland Oo La Dilay Iyo Xaalada Laas-caanood Oo Kacsan.

LAAS-CAANOOD(P-TIMES)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dil xalay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobalka Sool, loogu geystay Xog-hayihii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ee Maamulka Somaliland.

Marxuumka la dilay oo Lagu Magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi, ayaa waxaa dilkiisa ka Dambeeyay Kooxo hubeysan, sida ay u Xaqiijiyeen Warbaahinta Dad Goobjoogayaal ah.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in Xilligii la dilayay ninkan uu ku Sugnaa Afaafka Hore ee Goob Caafimaad oo uu ku lahaa Magaalada Laas-caanood, waxaana ay Sheegeen inay Rasaas Xooggan ay ku Fureen ninkan, kaddibna ay ka baxsadeen Goobta.

Warbaahinta Deegaanada Somaliland ayaa Iyagu ku Waramaya in Sababta loo dilay Xog-hayihii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ee Gobalka Sool Maxamed Barkhadle Cabdi, ay tahay Aanooyin Qabiil, maadama uu ka soo Jeedo mid kamid ah Beelooyinka ku loolamaya Awoodo Gobalka Sool.

Ciidamada Ammaanka Somaliland ee ku Sugan laas-caanood, oo gaaray Goobta Xilligii uu dhacay Dilku, ayaa Saameeyay Howl-gallo lagu Xaqiijinayo Ammaanka, waxaana ay haatan Sheegeen inay wadaan Baaritaano lagu Ogaanayo Kooxihii dilkan ka Dambeeyay.

Dhowaan ayay aheyd markii sidaan oo kale oo Goor habeen ah lagu dilay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobalka Sool, Ganacsade caan ka ahaa Magaalada, Iyadoona dilkiisii ay ka dhalatay Carro Balaaran, waxaana Somaliland magaalada ay keentay Ciidamo Qaab Beeleed ah oo marya cad ah, si ay uga Digtoonaato Dagaal lagu Gumaado Ciidamadeeda Tirada yar ee ku Sugan Magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada Magaalada Laas-caanood ayaa Saaka aad u kacsan, Waxaana Wariyaha P-TIMES oo ku Sugan laas-caanood uu soo Sheegayaa in la Dareemayo Saan saan Colaadeed iyo Kicin ka Jira Gudaha Magaalada.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. ALLA HA U NAXARISTO AMIIN

  2. Anonymous says:

    Xaalka hala dejiyo waa shirqool iska horkeen oo dadka degaanka lagu wado

  3. Anonymous says:

    hala adkayonabada halasaaro ciidamada iskudiraya dadka wadadhasha gumasigana kuhaysta gobol ka sool

Leave a Comment