XOG: Khasaaraha Somaliland ka soo gaaray iska horimaad Saaka Tukaraq ka dhacay oo sii kordhaya & Wararkii ugu dambeeyey ee Xiisadda Dagaal

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaamka Gambara ee gobalka Sool ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamo ka kalatirsan Puntland & Somaliland uu yahay mid sii kordhaya, waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya in ay jirto dhimashada 3 askari oo katirsanaa ciidamada Somaliland iyo gaadiid dagaal oo gubasho soo gaartay.

Goobjoogayaal kusugan deegaanka Gambara oo laga hirgaliyey Isbitaal ciidan ayaa sheegaya in la gaarsiiyey halkaas dhaawaca 4 askari iyo dhimashada 3 kale, waxaana la xaqiijiyey in ay sidaas oo kale jiraan dhaawacyo fudud.

Goobjoogahan wuxuu kaloo sheegay in uu arkay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee Somaliland oo waxyeelo kasoo gaartay rasaas katimi dhinaca Puntland, markii ay ciidamada Somaliland rideen hubka culus.

Madaafiicda dhawaaqooda ayaa laga maqlayaa deegaano masaafo durugsan u jira jiidaha ay dhinacyadu isku horfadhiyaan, waxaana muuqata in saan-santu ay hadda isku bedelayso dagaal rasmi ah.

Saraakiisha Puntland ayaa dhankooda laga soo xigtay in uu jiro dhaawac soo gaaray labo kamid ah askartooda, oo subaxnimadii hore is rasaaseyn ay dhexmartay ilaalo kale oo dhinaca Somaliland ka soo jeeda.

Xiisaddan ayaa u muuqata mid u xuubsiibanaysa dagaal rasmi ah, waxaana ilaa hadda aan natiijo wanaagsan laga gaarin arrimaha ku saabsan xal nabdee doo lagu dhameeyo qadiyaddan, xili Somaliland madaxdeedu ay diideen go’aanka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

7 Comments

  1. waxan ugu baaqaynaa ciidamada in lugu kala hakiyo goobohoda dagaalka kolay lagaranmaayo macnohooda dadka maadata ee dhibbaada kasoo baxay in ina gaas Qabiil Qaryoo usoodhiibo maha somaaliland Waa gooni goosad dadka sool sanaag Adeer waa soomaliweyn guryahodana masurma suuflii SNM iyo SSDF adaar marka meelaha kuwatree

  2. axmed says:

    Nacaskas afka weyn ee hadlaya arag, idinkaa Laascaanood ku soo hogaamiyey daba cayuun, Tukaraq idinkaa Cadow soo geliyey, Xaaraan baadtihiin aan dadnima laheyn, taga oo naga baxa, Kilaab yahey.

  3. Anonymous says:

    lascanood hala gaalo sara snmta cuqdadaysa dhulka reer puntland hala gasaaro xududena wa burco guuul soma jestayaasha darawiishata puntland

  4. ali says:

    haha.. half askari oo puntland ah baa Ku dhintay adeer.

  5. puntland guul ayaan idiin rajaynayaa cadowgiina safeeya

  6. habardi waawel waxat ku mahmaha day intan bisqanta xirayo bay navadi joogta hadan waxan leyahay soomaaliland indaay puntland idinka mashqulsan tahay bay nabadi joogta askari baaidinka kadhin taday manta boqolall askari waa idin kadhima doon

  7. Anonymous says:

    anagaa anagaa putland aya sool leh bad haysane dumarya haw ka laya car ficil yesho somaliland ka sara halkad wada garanay san xita gaas ha kaso tagina waxana hays ku lahadhina

Leave a Comment