XOG: Mid kamid ah Garaadadii ugu dambeeyey ee taageersanaa Siyaasadda S/LAND oo 24 saac u qabtay in ay uga baxaan G Sool.

LAASCAANO(P-TIMES) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadda gobalada Sool, Sanaag & Cayn ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in looga baahan yahay ciidamado Muuse Biixi Cabdi in ay 24 saac gudahood uga baxaan dhamaan deegaanada gobalka Sool, ka dib markii ay cudud ciidan oo xoog badan soo gashay gobalka, kana timi dhinaca dawladda Puntland.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah garaadka Beesha Jaamac Siyaad oo inta badan siyaasad ahaan taageersaneyd Somaliland ayaa muujinaya in aysan caawa Somaliland waxba u oolin gobalka Sool guud ahaantiis, ayna dhinac kasta gabeen.

Garaadka ayaa hadalkan ka sheegay shir gaar ah oo ay yeesheen Isimadda gobalada Sool, Sanaag & Cayn oo uu kaga qeybgalay khadka telfoonka, waxaana uu sheegay in uu taageersan yahay gulufka dagaal ee ay ciidamada Puntland kula wareegayaan,

Isimadda gobaladda Sool, Sanaag & Cayn waxay si rasmi ah hadda u garab istaageen mawqifka dawladda Puntland ay ka qaadatay soo celinta gobalada maqan ee Puntland, gaar ahaana dhulka beesha Dhulbahante oo ay hadda gacanta ku hayso Somaliland.

Waa dhawaaqii ugu cuslaa ee Somaliland kasoo gaara Laascaanood, waxaana hadda xaajadu ku tahay mid adag, maadaama ay weyday Isinkii ugu dambeeyey ee ay siyaasad ahaan ay aaminsaneyd in uu fikradooda taageersan yahay, waxaana muuqata in xaalad adag ay haysto waqtigan.

Hadalka Garaadka ee ku baaqida dagaal joojinta ah oo u muuqday mid si hoose uga hadlay, wuxuu ku soo begmayaa xili Madaxweynaha Somaliland & Isimada dhaqanka ee Waqooyiga Soomaaliya ay wadaan hub uruursi iyo maleeshiyaad ay ku soo daabulayaan magaalada Laascaanood oo aysan laheyn, doonayaana in ay xoog ku haystaan.

 

9 Comments

  1. ku quuso qudhaanjo garaad jaamac garaad ismacil oo 24 saac u qabtay s.land waa guul kama danbaysa oo degdeg ah waxaynu sugnaaba waa mahad canbaashe iyo ciidankiisa oo ku soo biira tolkood halka jaariyadihina hotel xamdi by ka ooyeyaan cafisna malaha iyagu

  2. Ac. Dhamaan. Waa ogaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu yahay Isim aragti dheer.
    Cimri dheer iyo cibaado suuban baan ilaahay kaaga rajayn.
    Yaan Pl keliya laysku halayn ee Magac Harti iyo Daarood halagu galo dagaalka hadii Gaas uu dagaalka wadi waayo waayo anigu weli shaki baan ka qabaa Gaas.

  3. wiilasha dhimanaya waa Puntland ama dhintayba marka waxba ha Shakin waa lagaa dulqaadayaa jeegaanta si dhakhso ah insha,allaah.

  4. Anagu hadaanu waxgaradka iyo xooga dhulbahante nahay soomaaliland ayaanu nahay

    Maanta dagaal qabiil waa lagabaxay

    Maanta Majeerteen nagu kacsanmaayo awrkiisa

    Adeeroow Majeerteenoow adaan dhulbooba

    Adigaa aaminsan inuu dhulbahante kuuyahay salaankaad dantaada kugaadhid

    Xadka Dhulbahante ookaliyaa sooxidhaya

    Bye bye PUNTLAND
    Bye bye PUNTLAND

  5. Maanta majeerteen DHULKA dhulabahante ayuu doonayaa sida Kenya inuu dayr kadhigto

    Ana majeerteen caqlibadanaa

    Adeero waankugu fahmay

    Maanta labadeena ayey naga dhaxaysaa

    Kabax dhulka dhulbahante waxaan kutusayaa in aan cisi iyosharafkunoolaado

    Maanta qabiilka keliya ee aaminsan inay dhulbahante yahay salaankooda was. Majeerteen

    Kii shalay meelwalba iga xidhay was majeerteen

    Adeeroow maanta waan tashaday see ee idhaaf

Leave a Reply

Your email address will not be published.