XOG+DABAGALKA WARKA: QM oo dadaal xoog badan ku bixinaysa sidii loo baajin lahaa dagaal ka dhaca G Sool,Maxaase ka run ah ilaa hadda?

MUQDISHO(P-TIMES)- Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan amuuraha Soomaaliya Micheal Keating ayaa lugtiisii labaad oo safar nabdeed ah wuxuu ku maray Somaliland & Puntland, oo si adag hadda cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan deegaano kamid ah gobalka Sool oo ay awood xoog badan geeyeen bilihii lasoo dhaafay.

Ergayga gaarka ah wuxuu shalay safarkiisii ugu horeeyey ku tagay magaalada Garoowe ee Puntland, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa wasiiradda oo ay ka wada hadleen suuragalnimada in wada hadal iyo nabad lagu xaliyo arrimaha gobalka Sool ka taagan.

Xog soo gaartay Puntlandtimes.com ayaa cadeynaysa in ay Puntland cadeysay mawqifkeedu wuxuu yahay oo ah in ay derisnimo iyo Nabad ka shaqeyn jirtay waligeed, cidda duulaanka iyo weerarka soo qaadayna ay tahay in lagala hadlo oo ah maamulka Somaliland.

Xogahan waxay sheegayaan in aysan Puntland qarsan in haddii Somaliland aysan ka bixin dhulka ay kaga sugan tahay gobalka Sool, ay taasi cadeynayso in aysan Somaliland diyaar u aheyn nabad, taas awgeedna ay difaacan doonaan sharciyadooda Puntland.

Ergayga gaarka ah ayaa u safraya maanta magaalada Hargeysa, si ula kulmo Madaxweynaha Somaliland oo horey u diiday in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tukaraq oo bilowgii sannadkan ay la wareegeen, waxaana xogo soo baxayaa ay sheegayaan in uu jiro dabac dhinaca Somaliland ah.

Xogtu waxay sheegaysaa in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Somaliland aad u dareentay abaabulka Puntland, taasna ay keentay in ay ogolaato in ay ciidamadeedu dib ugu laabtaan deegaanka Gambara oo ay horey u joogeen bilowgii sannadkan, taasna caqabado kale ayaa ka haysta Somaliland.

Dadka sidda gaarka ah ula socda arrimaha u dhaxeeya Puntland & Somaliland ayaa leh xalka ugu dhaw waa in ay Somaliland ciidamadeeda kala baxdaa deegaanka Tukaraq, wixii halkaas ka dambeeyana ay xaaladdu u baahan tahay saadaalin kale, laakiin taasi inta ay jirto ayay welwel ka qabaan in aan wali la joogin fursad dagaal lagu baajin karro.

Puntland ayaysan waxba wado ah uga furneyn arrimaha ku wajahan gobalka Sool, ayna hadda taageero xoog badan shacabkeeda uga helayso sidii loo soo celin lahaa deegaanadaas, laakiin haddii ay qaadato go’aan nabdeed deegaanka Tukaraq oo gacanteeda ka maqan ay ka imaan karto mucaaradid xoog badan oo ku dhalata Madaxweyne Gaas oo maalmihii u dambeeyey taageerayaashiisa siyaadayeen.

2 Comments

  1. Fardojaan says:

    Dhabayacooy Odayga Yar Ee Sikhraanka ah Ee Mickeal Keating Waxba Idin Ma Qaban Karo Sababtoo Ah Tukaraq Ilaa Iyo Barxada Garoowe
    Waa Caro Dhulbahante hhhhhhh
    Qaramada Midoobay Kama Saari Karto Mahad Cambaashe Iyo Doolaal Tukaraq Sababtoo Ah Waa Niman Dhulbahante Ah Oo Jooga Magaaladoodii.
    Mida Kale Hashiiskii Khaatumo State Iyo Somaliland Oo Qaramada Midowday Ogtahay Ayaa Miiska Saaran Kaas Oo Dhigayay In Dadka Gobalada Waqooyi Dagan Wada hadlaan Si Meesha Looga Saaro Colaadii Beelaha Dhulbahante Iyo IsaaQ….
    Markaas Adigoo Majeerteen Ah Yaa Wax Ku Weydiinaya kk Xageese Joogtaa

  2. Fardojaan says:

    Webabka Majeerteenku Dadkooda Been Iyo Huuhaa Ayeey U Sheegaan hhh

    Kuma Dhacaan Siyaasiyiinta Beesha Majeedheen Ee KU Fashilmay Siyaasadii Somaliya In Ay Dadkooda Runta U Sheegaan.
    Waxoodu Waa Been Iyo Faan Iyo Mickeal Keating Oo La Baryo Iyo Imaraadka carabta Oo La Tuugsado hhhhhhhhh
    Maamulkayagii Khaatumo State Idinka Dartiin Baanu U Burburinay Anaguna Waxaa Naga Go’an In Aanu Pintiland Badhi Weyntiina Futada Dhulka Ugu Xidhno

Leave a Comment