DAAWO: Amal Bank Gaalkacyo oo Zakaatu Fidri gaarsiisay Dadka deegaano kamid ah G Mudug

GAALKACYO(P-TIMES) – Amal Bank ayaa deeq lacageed gaarsiiyey qaar kamid ah dadka danyar ah ee kunool deegaano kamid ah gobalka Mudug, waxaana deeqdan lacageed ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Shacabka la gaarsiiyey ee danyarta ah.

Maamulaha Bangiga Amal Bank ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba heysan.

Shacabkan ayaa laga farxiyey maalinta Ciidul Fidriga oo fooda nagu soo haysa, waxaana ay dadku mahad celin u jeediyeen shirkada AMAL BANK ee gobalka Mudug.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada