DAAWO:Laascaanood oo la mid noqotay Gobolka Kaashmiir & Ciidamada Jeegaanta oo awood u adeegsanaya shacabka Gobolka Sool

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka Puntlandtimes.com ay ka helayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in qaybaha kala duwan ee magaaladaasi Laascaanood ay iskaga baxeen shacab weynihii ku dhaqnaa.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in awood ciidan ay ugu adeegsanayaan shacabka maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi isla markaasna ay xidh xidhayaan cid walba oo taageerta ciidamada difaaca Puntland iyo hawlgalka xoreynta gobolka Sool. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA GOOB JOOGAHA

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa sheegay in ay jiraan caqabado xoogan oo ka haysta shacabka maamulka Jeegaanta oo dhibaato xoogan ku haya, waxaana ay ugu baaqeen madaxda dowladda iyo ciidamada Puntland in ay deg deg u fuliyaan hawlgalka xoreynta gobolka Sool si ay uga qabsadaan mgaalada Laascaanood Jeegaanta.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.