DAAWO+UPDATE: Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Laascaanood & Somaliland oo diiday in dhaawac la daweeyo

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Xaaladdihii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in rasaas goos-goos ah hadda laga maqlayo gudaha magaalada, waxaana ay ka dhacaysaa Isbitaal gaar loo leeyahay oo la dhigay dhaawaca sadex haween ah oo ku dhaawacay rasaas ay toos ula dhaceen ciidamada milateriga ee maamulka Somaliland.

Maleeshiyaadka maamulka Hargeysa iyo xubnaha u qaabilsan Laascaanood ayaa doonaya in aan la qaadin dhaawacan oo ay halkooda yaalaan, xili dhakhaatiirtu ay sheegayaan in aysan u heynin xal ee ay tahay in loo qaado Garoowe.

Mid kamid ah dhaawacyada ayaa intii ay Somaliland diidanayd in la qaado dhimatay, sidda ay sheegayaan wararka waxaana naf yar looga saaray goobta oo ay diideen in loo soo qaado Garoowe, dhinaca Hargeysa markii loo qaaday ayana dhimatay, sidda uu sheegay Goobjooge kusugan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan ay kusoo wadaan magaalada, xili ay qabqabteen dadka qaarkiis, banaanbaxyo ayay cabsi ka qabaan in ay qabsadana magaalada, dadka ayaana cabsi ka qaba dagaal culus oo ka dhaca gudaha magaalada.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO

 

 

One Comment

  1. Anonymous says:

    Xaabsade iyo Canbarshaaa keeney, wey u jeedaan in maanta dadkoodii lagu xasuuqayo..

Leave a Comment