DEG DEG+DAAWO: Muuse Biixi oo dagaalkii Tukaraq u badalay xeelad cusub & Isku shaandheyn uu ku sameeyey Horjoogayaashii G. Sool kadib fashil xoogan oo dhacay

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in isku shaandheyn uu ku sameeyey hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi horjoogayaal ugu magacownaa maamulkiisa gobolka Sool.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in Taliyihii qaybta Booliska gobolka Sool ee maamulka Somaliland Col. C/risaaq Maxamed Faarax lagu badalay taliye cusub oo laga soo badalay degmada Saylac ee gobolka Awdal kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha Ciise halka taliyihii hore loo badalay dhanka gobolka Sanaag isla markaasna isna loo sii badalay Taliyihii qaybta Booliska gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland degmada Gabiley ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale waxaa isna wareegtiisa badal uu soo saaray Muuse Biixi Cabdi gudoomiyihii ugu magacownaa maamulkiisa gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo aan ilaa hada xog rasmi ah laga haynin shakhsiga lagu badalay, walowse dhowr jeer Beeshiisu ay u gudbisay Muuse Biixi cabasho ka dhan ah gudoomiye Khayre.

Sababaha ka dambeeya isku shaandheynta xubnahani ayaa lagu sheegay cadaadis kasoo wajahay Muuse Biixi dhanka Puntland iyo sidoo kale in ay fashil kala kulmeen shakhsiyaadkaasi shacabka gobolka Sool iyo masuuliyiin la shaqayn jiray kadib gadood culus oo ay sameeyeen taas oo xagal daac iyo waji gabax ku keentay maamulka Jeegaanta.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.