Wararkii ugu dambeeyey ee Jiida Tukaraq & Ciidamada Jeegaanta oo wadnaha farta ku haya + Dagaalkii ugu cuslaa oo…

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee haatan ay ka helayso Puntlandtimes.com jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaalad dagaal caawa laga dareemayo deegaankaasi.

Ciidamada difaaca Puntland iyo malayshiyaadka Jeegaanta ayaa weli isku hor fadhiya jiida hore, waxaana caawa jirta cabsi dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan labada dhinac taas oo suurta galin karta dagaal culus oo ka dhex qarxa.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa noo xaqiijiyey in ciidamada difaaca Puntland ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey isla markaasna ay isku diyaariyeen dagaalo cusub oo ay la galaan ciidamada Jeegaanta si looga saaro guud ahaanba gobolka Sool.

Maalinta Beri ah ayaa loo badinayaa in uu dhaco dagaal culus oo dhex mara labada dhinac, waxaana hada laga dareemayaa jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq saan saan colaadeed oo hor leh.

Dowladda Puntland iyo madaxdeeda ayaa hore u balanqaaday in ay awood dagaal kaga qabsan doonaan malayshiyaadka Jeegaanta guud ahaanba gobolka Sool ee dowladda Puntland.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco Puntlandtimes.com

5 Comments

  1. guulaysta puntland
    guulaysta ilma harti
    guulaysta jeegaantu ha baxdo
    way jabaysaa xaqqa alle ayaaa korayn rabiyow geesiyada u hili
    gardrana ma doonee
    iyagaa na daansaday
    duulaan noogu yimid
    hargaysaba ma doontee
    dhulkaygaan ka doorbiday
    maxaa laygu doontaa
    oo laygu dow galay
    somali diidkow
    kii samaanta diidow
    suumadii islaanimo
    kii soocmay yidhow
    midab sooc ka sheegtow
    sidii duub shisheeyeed
    dadkiisii ka dudayow
    dad aad ka yaacdeen
    difraad ku ku sheegteen
    ayaan diir wadaagnaa
    oon dowlad leenahay
    dalna waanu leenahay
    dowlad waanu leenahay
    darajadii ilaahiyoo
    diintiisa daahiraa
    dadkii aan beeryoo
    intaa diidii maayee
    adiga is duleeyee
    dabinkaagaad qodaysaa
    duug dheer ku gaadhsiin

  2. Beesha darood waa inay joojinyaan xoolaha kadhoofa bebera. Waa in xuduudaha laga xidhaa dhaqaalaha ay ku kibreen wa geela iyo ariga darood puntland waa inay xididada usiibta beesha fitnada kawada deegaanka. Shacabka somAli ee darood. Waa in ay taabtaan dhaqaale xumo baahsan kibirka ay meesha lajoogaan iyo gaalo iskayeelyeelka ogaada. Haday. HAWIYAHA. DARIS AHAAN LAHAAYEEN. WAY XAAQI LAHAAYEEN EE DAROODKA PUNTLAND KHAATUMO. OGAADEEN BAY JILICSAN AAN KADAREEMEEN. TAASAA KEENTAY INAY. MEELWALBA DAROOD NACAYB LAJOOGAAN.

  3. laska

    saxiib si wacan ayaad u dareerisey. Laakiin jeegaanu waxay leeyihiin maan qalibmey oo erey iyo alif iyo b’a mideey kala yihiin ma garan karaan. jeegaantu jir xanuunsada mooyee maan wax garta ma leh

Leave a Reply

Your email address will not be published.