Dhagayso:Sacuudiga oo ku dhawaaqay war farxad galiyey shacabka Soomaaliyeed

MUQDISHO(P-TIMES)- Sida lagu qoray wargeyska Al-Iqtisaadiyah oo kasoo baxa dalka Sacuudiga dowladda Sacuudiga ayaa u ogolaatay Bangiga Horumarinta Islaamka in ay keeni karaan xoolaha dalka Soomaaliya oo ay dowladda Sacuudigu hore uga xayirtay dalkeeda. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee dowladda Sacuudiga Dr. C/laahi Aba Kheyl ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Islaamka loo fasaxay in ay Soomaaliya ka keeni karaan 1,140.000 oo neef kuwaas oo loogu tala galay mashruuca xoola qalka ee Maka Al-mukarama si xujeyda loogu qaybiyo xilliga xajka ayuu yidhi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in baadhitaan casri ah lagu sameeyo xoolaha laga keenayo dalka Soomaaliya ka hor inta aan maraakiibta lagu soo daabulin, waxaana loogu baaqay Qandaraaslayaasha Bangiga Horumarinta Islaamka in aysan u gudbin karin xoolahaasi suuqyada ku yaala gudaha dalka Sacuudiga si looga hortago in aan lasii gudbinin cudurada dadka iibsanaya xoolahaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.