DHAGAYSO:Reer Buuhoodle oo mar kale dhexda u soo xidhay dagaalka Somaliland & “Xoreynta Gobolka Sool waa Muqadis”

BUUHOODLE(P-TIMES)- Xilli dhawaana ay soo gaadheen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn wafti u hogaaminayo C/fataax Maxamed Cali oo hore u soo noqday taliyihii hore ee arimaha siyaasada ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi C/rashiid iyo madaxweynihii hore ee Khaatumo Korneyl Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha Sheel) ayaa waxaa ka socdya gudaha magaalada Buuhoodle kulamo u dhaxeeya waftigani, isimadda dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODADKA ODAYAASHA & SIYAASIYIINTA BUUHOODLE

Saddexda dhinac ayaa kawada hadlay arimaha xoreynta gobolka Sool iyo qaabka ugu haboon ee ay reer Buuhoodle uga qaadan karaan dagaalka lagula jiro ciidamada Somaliland, iyagoona sheegay in ay muqadis tahay xoreynta gobolka Sool isla markaasna ay taageersan yihiin ciidamada difaaca Puntland oo ay la garab istaagayaan wax walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.