FAALLADA: Khatartal heshiiska Somalia & Itoobiya ee ku saleysan Dekedaha iyo Taladii Jen, Anwar Alcishqi oo horey u jeediyey

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu ku noqday dalkiisa booqashada Muqdisho ka dib wuxuu u waramay Tvga dalkaasi Itoobiya wuxuuna sheegay qorshaha ay doonayaan in uu yahay sidii Marka ugu danbaysa ay shucuubta geeska Afrika u mideebi lahaayeen oo ay u noqon lahaayeen hal dal hadaladiisana waxaa ka mid ahaa.

„Booqashadii maalinta badhkeeda aheyd ee aan ku tagay Muqdisho, waxaan kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, RW, afhayeenka iyo dhamaa golaha wasiirada, kulankaas oo ku saabsanaa wadahadal iyo xidhiidhka labada dal.

Sidoo kale waxaan kawada hadalay sidii aan u sameyn lahayn isdhex gal dhaqaale ugu dambeyntana aan u midoobi laheyn,Soomaaliya waxey leedahay dakado badan dakadahaasna hal markab kuma isticmaasho inagana waxaan nahay dal aan dakad lahayn.

Tusaale nin wax bartay oo aysan aqoontii wax u tarin oo aan wax akhrineynin iyo nin aan wax baran waa isku mid iyagu dakadihii ayey leeyihiin mana ka faa‘iideystaan, inaguna dakad la‘aan ayeynu nahay marka ma aha inaan halkan joogno ee waa inaan sida Mareykanka ama EU dalka Imaaraatka oo kale mid noqonaa dadka bariga Afrika waa badhka dadka Mareykan.Halka ugu dambeysa oo aan hiigsaneyno waa sidii bariga Africa ku noqon lahaa hal dal“
Abiy Ahmed.

Hadalkan Raysal Wasaare Abiy wuxuu daba socdaa laba hadal oo isaga ka horeeyey mid waxaa hore u yidhi Xuseen Caydiid oo soo qaaday sidii geeska Afrika hal dal loogu dhigi lahaa xilligaas Xuseen Caydiid wuxuu la kulmay weerar dhinac walba ah, waxaa isaguna muxaadaro uu ka jeediyey Israa‘iil ka sheegay in geeska Afrika looga baahan yahay hal dal dalkaas oo Itoobiya ah ninka lagu magacaabo Anwar Alcishqi oo ah Genaraal Sucuudiya oo ah la taliyaha Boqorka Sucuudiga, qorshuhuna wuxuu ahaa dood ku sabaabsanayd qaabka cusub ee Bariga dhexe , waxaanay doodaas ku soo gabagabeeyeen in dawlado kooban ay noqon karaan Kuwa sii jiri kara, Sida Turkiga, Sucuudiga, Iiraan, Masar Iyo Itoobiya, dalalka hada jira ee u dhawna lagu kala daro.

Arrinta ugu werwerka badan ee soo food saartay qawmiyadda Soomaalida ayaa waxay tahay iyaga oo aan xilligan lugaha ku taagnayn oo dawladdii ay lahaayeen ee kaliyana dhaawac weyn la tiicayso ayaa waxaa bilaabmay loolan ganacsi oo baaxad weyn oo u dhaxeeya dalal badan oo dilaaliin iyo wax soo saareba leh, Iyo dawladaha Afrikada bari iyo badhtamaha oo kobac bulsheed iyo mid dhaqaaleba yeeshay, loolankaas oo u dhaxeeya Kan ugu xooga weyni Shiinaha iyo Imaaraadka oo dalal badana la kala safan yihiin ayaa waxay sababtay in dalkan bukaan jiifka ah ee Soomaaliya mar kaliya uu noqday hilib wadhan oo aan marnaba laga jeesan karin sidii loo dafi lahaa.

Tirada dadka ee sii kordhaysa waxay sababtay in maalgashi lagu sameeyo Itoobiya, gaar ahaan dalalka Shiinaha iyo Turkiga, Imaaraadkuna wuxuu ogaaday in dekedahaas Soomaaliya ee baylahda ah cidii gacanta ku dhigtaa ay raad weyn ku yeelan doonto gacanisagaasi kobcaya ee geeska Afrika ka hanaqaadaya. Loolanka ugu weyna maanta ka taagan yahay dalka Soomaaliya. Itoobiyana isu diyaarinayso sidii ay dekadaas boobka ka socda uga qayb gali lahayd una qalab qaadatay sidii ay ciidan badda ah u samaynsan lahayd.

Soomaaliya iyada oo xaaladan ku jirta Ma gali karto heshiisyo sanado dhaadheer qaata, heshiiska ugu yar wuxuu Socon karaa 30 sanno, ilaa 100 sanno, wayna adag tahay in dawlad hay‘adaheedii oo dhami aanay hana qaadin oo aan lahayn nidaamkii dawlad lagu yaqanaay, sida ciidan difaaci kara dalka kaas oo isugu jira mid cir, bad iyo bari oo haddii Soomaaliya heshiiskaas ka baxdo ay isku halayn karto, wadaniyadii bulshada Soomaaliyeed oo aad xilligan u hoosaysa oo aan iska difaaci karin qawmiyadaha kale iyo arrimo badan oo kale Ma dhiiri galin karaan heshiisyada noocan oo kale ah.

Intaa waxaa sii dheer heshiisyada maalgashiga oo shuruudo ad-adag wata, Jabuuti ayaa markay xamili kari weyday ka baxday heshiiskii DPWold , haddii heshiiskaas ay hore ula saxeexan lahayd Itoobiya siday ugu dhiiratay in ay DPWold u erido ugumay dhiirateen ciidamo Itoobiya ayaa la soo dul dhigi lahaa, sidoo kale heshiiska DPWold ay la gashay Dekade Berbera wuxuu ka kooban yahay 4kun oo bog, waxa jira Shuruudo aan ilaa hadda la ogeyn waxa kaliya oo hadda la ogyahay in aan Dekado kale la dhisi karin, taas macnaheedu waa in ay wax walba gacanta ku dhigaan.

Xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya xilligan awgood in Soomaaliya lagu tuuro laabta Itoobiya wax laga filayey dawlada Nabad Iyo Nolol maaha ,waan baahanahayna looma bahalo cuno, waxaana waajib wadaniyeed ah in aan Itoobiya laga ogolaan maalgashi ay ku samayso dekadaha Soomaaliya hasa yeeshee mustaqbalka alaabadu uga soo degi karto cashuurtana iska bixiyaan, waxaase muuqata in dilaalnimo xoogweyni socoto.

Heshiisyada Itoobiya lala galo khatartooda waxaad ku ogaana kartaa Dhiibitaankii Qalbi Dhagax waxay xukuumadan maanta joogtaa isku difaacday in uu jiray heshiis lagu saxeexay Jigjiga oo xildhibaan iyo wasiiro dawlo ku saxeexeen magaalada Jigjoga, isla markaana heshiis kaas aan meelna laga ansaxin, Maxaad u malayn heshiis baaxad weyn oo dekado iyo dhul ku saabsan oo laba hoggaamiye saxeexeen, baarlamaanaduna ansixiyaan oo tobonaan sano soconaya, Itoobiya Dhulkii hore in mid kale loogu daro bulshada Soomaaliyeed ma qaadi karto.

Maanta heshiiska Itoobiya lala galay waxaa Soomaaliya uga wanaagsanaan lahayd iyada oo DPWold lala galo, Imaaraadkana heshiis dhaw lala yeesho, si bari haddii lays qabto aanay saamayn khatarteeda leh kuugu yeelan.

 

W/qoray: Asad Adaani Ibrahim

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “FAALLADA: Khatartal heshiiska Somalia & Itoobiya ee ku saleysan Dekedaha iyo Taladii Jen, Anwar Alcishqi oo horey u jeediyey

  1. Well done, ilaa hadda wax ama Webside Somalia oo soo badhigey hadalkii أنور العشقي ee kudaley mar uu ka qeyb galey shir la lagu qabtey magaallo ku tall Palestine la xoogey ee Hartisiya هرتلسيا oo Loga tilaabooyin la qadaadan doono khaastaan GAASKA ku jira Shilaabo iyo somaliya soda laga yeelayo (qeybinteeda) qeyna loo raacin Ethiopia Iyo Keyna. Hashiiska dhacey waxa uu bilow uu u yahey MU’AAMARDAAS بداية المؤامرة ٠

    Please u muujiya waxa jira dadkeena masaakiinta ah.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada