FALANQEYN: Is afgaradka dhinaca Dekedaha ee Somalia & Itoobiya, waa faa’iidada koowaad ee Imaaraatka Carabta, DF Soomaaliya-se maxay u tahay?

MUQDISHO(P-TIMES)- Socdaal aan horey warbaahinta & Shacabka Soomaaliyed xog badan ka heynin ayuu Ra`iisulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed ku tagay caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, si weyn oo maamuus leh ayaa loo soo dhaweeyey, waxaana garoonka uga hortagey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sii sagootiyey dhigiisa dalka Xasan Cali Kheyre, laakiin su’aalo badan ayaa ku gadaaman booqashadan.

Booqashadan kediska ah waxaa ka horeeyey safar siyaasadeed oo shalay uu Addis Ababa ku tagay Dhaxal-sugaha dalka Imaaraatka Carabta ahna Kuxigeenka Taliyaha ciidamada dalkaas Maxamed Bin Sayid, oo ilaa hadda kusugan, waxaana uu qaliinka ku duugay heshiisyo maalgashi oo xukuumada Addis Ababa lagu siinayo aduun gaaraya 3 Bilyan oo Dollar, taas oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu maalgalinayo wixii ay jeceshahay Xukuumada Itoobiya.

HALKAN KA AKHRiSO HESHIISKA ITOOBIYA & IMAARAATKA EE SHALAY

Ra`iisulwasaaraha Itoobiya oo tagay Muqdisho wuxuu kala laabtay heshiis ay Soomaaliya ugu ogolaatay in maalgashi loogu sameeyo 4 Dekedood oo waa weyn, kuna yaala labada badood ee ay saaran tahay Soomaaliya ( Badda Cas & Badweynta Hindiya), taasina waa guul siyaasadeed oo ay gaartay Xukuumadda Imaaraatka Carabta.

In an effort to attract and retain foreign investment to the two countries and the horn of Africa Region, the leaders agreed on the joint investment in four key sea ports between the two countries, and the construction of the main road networks and arteries that would link Somalia to mainland Ethiopia. The leaders agreed to constitute a designated joint technical team that would immediately embark on the key task of outlining this substantial undertaking.

Is faham wanaagsan ayay u tahay Addis Ababa & Abu Dhabi talaabada la qaaday, waxayna hubsadeen heshiis ay horey ula galeen Somaliland oo sheegayay in Saami qeybsiga dekeda Berbera ay yeelato Xukuumada Itoobiya 19%, waxaana Addis Ababa ay hadda heshay dekedo kale oo ay saami qeyb wanaagsan ku leedahay.

Ciyaaraha siyaasadeed ee kusaleysan Xagga dekedaha iyo Maalgashigooda oo ay Soomaaliya si wanaagsan uga faa’iideysan ayay hadda ku tahay dharbaaxo kale oo siyaasadeed oo aysan si fudud iskaga garanin, waxaana ka dhex muuqda Sadarada qoraalka lasoo saaray in Addis Ababa ay xaq u leedahay dhismaha Wadooyin cusub.

Falanqeeyaasha Siyaasadda gobalku waxay rumeysan yihiin in safarkii shalay ee Dhaxalsugaha Imaaraatka Carabtu ku tagay Addis Ababa, Booqashada Dr Abiy ee Muqdisho & raali ahaanshaha fudud ee uu kahelay dawladda Soomaaliya ay ka dhigan tahay in ay Itoobiya & Imaaraatku heleeen fursado ay mudo naawilayeen, wado dheerna u soo mareen.

Ma wanaagsana xariirka Abu Dhabi & Muqdisho, waxaana baarlamaanka Soomaaliya ay sharci kasoo saareen lagu mamnuucay shirkada DP WORLD oo gacanta kuhaysa dekedaha Boosaaso & Berbera, laakiin ma fulin sharcigaas, maadaama Madaxweynaha Soomaaliya uusan saxiixin sharcigaas oo muhiim u ahaa in uu meelmar noqdo.

Saadaaliyaasha ayaa rumeysan in dekedaha Baraawe, Kismaayo oo kuyaala badweynta Hindiya iyo labo dekedood oo ku kala yaala Puntland & Somaliland ay noqon doonaan kuwa ay maalgashi ku sameysto Itoobiya, iyadoo ay lacagta bixinayso dawladda Imaaraatka Carabta, waxaana aad laysku weydiinayaa mudada uu qaadan doono hirgalinta heshiiska, laakiin isla qoraalka labada dhinac ay soo saareen waxaa lagu sheegay in guddi wadajir ah ay deg deg uga shaqeynayaan arrimaha sidii loo fulin lahaa.

Imaaraatku waxay geed-dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii uusan ku hirgali laheyn sharci ay meelmariyeen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, oo shirkadooda dekedaha ee DP WORLD ka mamnuucayey in ay maalgashi ka sameyso Soomaaliya, laakiin taas hadda wey ku guuleysteen, maadaama Itoobiya iyo Dawladda Faderaalka Soomaaliya isku raaceen in ay Addis Ababa saami ku yeelato afar dekedood oo ay maalgashi u raadinayso.

 

5 Comments

  1. WAGAR says:

    inaad siyaasada falanqayso waad ku liidataa mudane

  2. Abdiweli says:

    aaway sheekadii qaran difaacis ma ey baa cunay. amarka farmaajo la siiyey weynaa. labadii dakadood labo kale ayuu ugu daray xabaska. taasoo kale ayaa la yiraahdaa munaafiqnimo

  3. Anonymous says:

    waxaad mooda duulaan, ee uma ekayn booqasho.

  4. aqli yar ee farmaajo ku saxiixay dhulkeena hadanah aqli darada kale etobiya maxaa meesha keenay hadii imaraaku bixinayo maalgashiga,,,,waxay aheyt in aan heshiiska la galno carabka oo aan etibiya meesha ka saarno….think economic long for are people benefit not your,,,sad day

  5. s s. s. e zz we

    s svses d D’s

Leave a Comment