FALANQEYN RUN SHEEG AH: M/weyne Biixiyow ama Sool ka samir ama nabad ka samir!!

Laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii ila haatan maamulka Somaliland waxaa uu ku jirey duullaan dhul durugsi ah oo uu ku sheegay inuu ku soo ceshanayo xududdo uu gumaystihii Ingiriisku u samayey, waxana dagaallo lagu hoobtay ilaa xiligaas dhexmareen Puntland iyo maamulka Somaliland oo gudaha usoo galay xududduudaha Dastuurka ugu qoran Puntlad, waxana tallaabada maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya dhalisay colaad aan dhammaan oo labada dhinac u dhexeysay muddo ku siman 12-sano.

Puntland ayaa dhankeeda muujisay dulqaad wakhti dheer ah, waxana ay muddo ka gaabsanaysay inuu qarxo dagaalka haatan bilowga ah ee khasaaraha badani ka dhashay lana saadaalinayo inuu sii socdo ilaa labada dhinac midkood guul helo. Puntland oo haatan ku jirta diyaargarow xooggan waxaa ay sheegtay iney ka go’an tahay deegaannada sanadkii 2007-dii gacanta u galay maamulka Somaliland oo gobolka Sool intiisa badan kamid yahay.

Tabaabushaha dagaal ee Puntland ay hadda waddo iyo iska hor imaadyadii labada dhinac ee dhacay 15 ilaa 24-kii bishii aan soo dhaafnay ee MAY ayaa soo dedejiyey in Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xaddidi waayo dareenkiisa la xiriira dagaalkan qarxay oo uusan horay filashada ugu darsan in guul darro kasoo gaarayso ama jaahwareer siyaadadeed uu ku noqonayo hab maamulkiisa sirqaxan iyo caburinta uu ku hayey bulshooyinka ku nool deegaannada Puntland ee uu horay gacanta ugu hayey.

Muuse Biixi oo bilowgii sanadkan dhabbaha u xaarey dagaalkan cusub kadib markii uu kusoo duulay degmada Tukaraq oo ah halka colaaddan cusbi ka unkantay ayaa haatan u muuqda mid cabsiyi haraysay isla markaana ka rajo xumaaday cududda is difaac ee ciidamadiisa jooga gobolka Sool, wuxuuna si joogto ah warbaahinta u marayaa baaqyo nabadeed isagoo soo jeedinaya inla ilaaliyo nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida, balse tani Puntland kama joojiayso sida muuqata iney dagaalka sii waddo, waxaaba haatan socda diyaargarowgii ugu xooggana kaa Puntland miro dhalkiisa ku hanweyn tahay.

Hadaba su’asha iswaydiinta leh ayaa ah Muuse Biixi ma isu qaban kartaa nabad baan ku baaqayaa  iyo xudduudaha Dastuurka ugu qoran Puntland ayaan doonayaa inaan xoog iyo xaalad Milateri ku joogo, dabcan jawaabtu waa MAYA, waxana baaqyadiisa iska daba imanaayaa muujinayaan cabsida uu ka qabo dedaallada Puntland ku doonayso iney dib ugu qabsato gobolka Sool oo sanado badan maamulkaas gacanta ugu jirey.

Diyaar garowga dagaal oo u muuqda mid goor horeba natiijadiisa la sii qorshayey ayaa hadafkiisu yahay in gacanta lagu dhigo magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool, haddii taasi dhacdana waxay Muuse Biixi ku noqon doonta dhabar jab siyaadadeed iyo fashil dagaal oo suurto gal ka dhigi kara in qalalaaso siyaadadeed ka curtaan gudaha maamulkaas.

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “FALANQEYN RUN SHEEG AH: M/weyne Biixiyow ama Sool ka samir ama nabad ka samir!!

  1. Sidii wasiir Koore sheegay ama Laascaanood ayaa laga qaxi ama Garoowe. Hadaba ama xaarmaajo hub iyo ciidan haydin siiyo ama idinku ciidangaas dhagool ah oo dacas sita soo ururiya Somaliland waxa ka Go’an in Xuduudkeeda soo Xidho Majeertenia oo Xaadir ah.

    Reply
  2. Reero Majeertenia iga jawaaba Suaalahan Soo Socda:-1:Puntland intaa ay dagaal ku soo qaaday jamhuuriyadda Somaliland Hubkeeda 1 kaare ah kuma Jiree Cabdi Bile yaal may kusoo Dagaal galeen Hal Kaare ayaa ku Jiray oo Xaarmaajo Soo Diray Kiina Sooma Jeestayaasha Somaliland aya Dagaalkii 1aadba ka Gudoomay 2: Gudigiinan Diifaacu “Ma afkanool itaal baranbaraa” Maalin walpa Weerar ban Qaadaynaabay leeyihiin Wax Dagaalana Masoo qaadaan Hadyadihii Xaar-maajo noogu Soo Dhiibay badankoodii kama hayno ee Miyay la Bakhayleen Raggu oo Xaar-maajo ayay dhegta been ugu ridaan Maalin walpa inay dagaal qaadeen. 3: Hadaad ciidamo haysataan mxaa idin geeyay buuhoodle idinka oo aad ugu dawarsi tagteen idinkoon Waligiin xitaa dameer aad gayseen la sheegin..

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada