FALANQEYN RUN SHEEG AH: Muuse Biixiyow ama Sool ka samir ama nabad ka samir!!

Laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii ila haatan maamulka Somaliland waxaa uu ku jirey duullaan dhul durugsi ah oo uu ku sheegay inuu ku soo ceshanayo xududdo uu gumaystihii Ingiriisku u samayey, waxana dagaallo lagu hoobtay ilaa xiligaas dhexmareen Puntland iyo maamulka Somaliland oo gudaha usoo galay xududduudaha Dastuurka ugu qoran Puntlad, waxana tallaabada maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya dhalisay colaad aan dhammaan oo labada dhinac u dhexeysay muddo ku siman 12-sano.

Puntland ayaa dhankeeda muujisay dulqaad wakhti dheer ah, waxana ay muddo ka gaabsanaysay inuu qarxo dagaalka haatan bilowga ah ee khasaaraha badani ka dhashay lana saadaalinayo inuu sii socdo ilaa labada dhinac midkood guul helo. Puntland oo haatan ku jirta diyaargarow xooggan waxaa ay sheegtay iney ka go’an tahay deegaannada sanadkii 2007-dii gacanta u galay maamulka Somaliland oo gobolka Sool intiisa badan kamid yahay.

Tabaabushaha dagaal ee Puntland ay hadda waddo iyo iska hor imaadyadii labada dhinac ee dhacay 15 ilaa 24-kii bishii aan soo dhaafnay ee MAY ayaa soo dedejiyey in Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xaddidi waayo dareenkiisa la xiriira dagaalkan qarxay oo uusan horay filashada ugu darsan in guul darro kasoo gaarayso ama jaahwareer siyaadadeed uu ku noqonayo hab maamulkiisa sirqaxan iyo caburinta uu ku hayey bulshooyinka ku nool deegaannada Puntland ee uu horay gacanta ugu hayey.

Muuse Biixi oo bilowgii sanadkan dhabbaha u xaarey dagaalkan cusub kadib markii uu kusoo duulay degmada Tukaraq oo ah halka colaaddan cusbi ka unkantay ayaa haatan u muuqda mid cabsiyi haraysay isla markaana ka rajo xumaaday cududda is difaac ee ciidamadiisa jooga gobolka Sool, wuxuuna si joogto ah warbaahinta u marayaa baaqyo nabadeed isagoo soo jeedinaya inla ilaaliyo nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida, balse tani Puntland kama joojiayso sida muuqata iney dagaalka sii waddo, waxaaba haatan socda diyaargarowgii ugu xooggana kaa Puntland miro dhalkiisa ku hanweyn tahay.

Hadaba su’asha iswaydiinta leh ayaa ah Muuse Biixi ma isu qaban kartaa nabad baan ku baaqayaa  iyo xudduudaha Dastuurka ugu qoran Puntland ayaan doonayaa inaan xoog iyo xaalad Milateri ku joogo, dabcan jawaabtu waa MAYA, waxana baaqyadiisa iska daba imanaayaa muujinayaan cabsida uu ka qabo dedaallada Puntland ku doonayso iney dib ugu qabsato gobolka Sool oo sanado badan maamulkaas gacanta ugu jirey.

Diyaar garowga dagaal oo u muuqda mid goor horeba natiijadiisa la sii qorshayey ayaa hadafkiisu yahay in gacanta lagu dhigo magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool, haddii taasi dhacdana waxay Muuse Biixi ku noqon doonta dhabar jab siyaadadeed iyo fashil dagaal oo suurto gal ka dhigi kara in qalalaaso siyaadadeed ka curtaan gudaha maamulkaas.

13 Comments

  1. Anonymous says:

    Waanu ogayn damaca laab la kaca ku salaysan ee Iidoor inuu meel xun ku dambayn

    Walleese tan dambaa daran

  2. Hirsi says:

    Xaa nabad uu ka samraa guuluu joogaayee oo haddii la heshiiyona halkiisow joogi tukoraq hadii la dagaalona kaa xoog badan oo garoowe ayuu tegahawyaayee.

  3. Jama says:

    Xirsi, xaare. Ma iiidor inan gumeed baa la baryaa war ragu isma yaqaano

  4. Waraabe says:

    Garoowe 60km baa loo fadhiyaa markaa waxaa in la is weydiiyo mudan nabadda p/land diidan tahay cidda ay dani ugu jirto hadaan waab lagu caatoobin maalin dhow abtirsiimaday muran gashay iyo manidi shiikhii

  5. Hirsi says:

    Xuu ahaa kan geel jirka ah ee i caynayaa ma runtaan sheegaa dhibayso kkkkkk sxb,meesha laysku horfadhiyaa garoowe 20km bay ujirtaa marka haddii dagaal bilowdiin 20 minit gudohood garoowe ayay xabaddu ka sanqaraysaa markaa yaa khasaarowya illeen xataa laascaano looma dhawee.

  6. axmed says:

    Dagaalku yuusan dib u dhicin, waqtiga oo dheeraada wuxuu keenayaa Fashil, Sharciga Milateriga dagaalka ku jiraa waa in ay muda gaaban ku gaaraan meeshii loo cayimey, aan aheyn waxa imaaneysa dhexdhexaadin,awooda l kale oo ku caarada kala qaybsanaan, waa in aad opjective aad u socotey dhakhso ku gaartaa, Dagaalku waa in uu bilowdaa deg deg.

  7. Maxamed says:

    Faankii pudlan wuxu Ku ekaa ramadaanka oo ay ogaayeen inaan Somaliland la dagaalayn ee bacda ciidka waa laydiin mina fadhiyaa bal todobadaa bilood maliishiyaadkaad uruurinayseen tukaraq Ku qabsada laaska haddaad 10 years oo dambe usoo dhawaan maysaanee.

  8. Hirsi says:

    Kan ma dabbaal baa xagee Ku sheegayaa puntlandta dagaalayso alla dabbaal badanaa nimankaanu.TUKORAQ WAXA HAYSTO NIMAN IRIR AH OO GEESIYAAL AH OO AANU DHAHNO DAAROOD WAA LEEGTIHIIN EE ISKA DHICIYA KUNA FILAN OO 1988KII BAA LA OGAA.

  9. Hirsi says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.Hirsi sxb,nin xaalka majeerteeniya la socdaad tahee nimanka miyaydaan usoo ciidmayn illeen isku dawlad baad tihiinee mise idinku irir baydin ahaydeen oo uma muraaddaan aldaaroodiyada tukaraq Ku banjartay?.

  10. Maxamed says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.Hirsi sxb,nin xaalka majeerteeniya la socdaad tahee nimanka miyaydaan usoo ciidmayn illeen isku dawlad baad tihiinee mise idinku irir baydin ahaydeen oo uma muraaddaan aldaaroodiyada tukaraq Ku banjartay?.

  11. Hirsi says:

    Aar xuu ahaa kan I copy garaynahawyaa. sxb inna kala leexi waaku sidee oo magacayga ii dhaaf. sidee.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.kashif

  12. Hirsi says:

    Xaa naga khuseeyo farmaajo ayaa hub usoo diray oo durba ay kaar daarood marsadeenee.waa siduu jaalle siyaad eeday sida wax usocdaaniin. oo hubku xaniinyuu rabaa lagu isticmaalo lkn hubku guul ma dhaliyo haddii geesiyaal baabah tahay.TAA WAXA KA DHOW ANOO WALAALKAY IRIR OO MARKAY AMXAARKA IGUSOO HOGAANSHEEN I SAACIDAYAY LA SAFTO.

  13. Maxamed says:

    Sxb,waanu isku filannahay lkn daaroodka Somaliland Degaa waa muwaadiniin nala difaacaya dalkooda barakaysan ee Somaliland.lkn nimankaa majeerteen ee munaafaqadda aabeheed ah weeye cidda dagaalka waddaa iyo daaroodkii koonfurta iyo midhadh gudaha Somaliland ka qaylinaya oo caadifadda qabyaaladdu qaadday waana iska bararakh iyo olole doorasho oo Mr.gaas loo samaynayo markaa dagaal ma jiro ee tuur-tuurka ayay yaqaaniin iyo firxad ama cararka oo Ku xiga.

Leave a Comment