Faysal A. Waraabe waa Somaliland, Somaliland-na waa Faysal Cali Waraabe!

Faysal Cali Waraabe: “Wiilka Xamar ku dhashay iyo wiilka Itoobiya dhashay waxaa wiilka Hargeysa xigto la ah kan ku dhashay Itoobiya.”

Faysal Cali Waraabe“Maanta cadow isku xiran baan yeelanay, laga bilaabo Kismaayo, Xamar oo Farmaajo ka soo baxay, Garoowe, soonaha Shanaad, intaas ayaa iskugu keen tagtay maanta.”

***

Faysal Cali Waraabe waxa uu Soomaali ku noqday dhurwaaga xoolaha mira, kii xoolaha lahaana waa mid mooggan in xoolihii qaar dibbood yihiin, in dhurwaagu uusan kali aheyn ee ay raxan yihiin, in xoolihii qaar dideen, qaar qoobabka jabsheen, qaar qararka lala fuulay, qaar kalena uuba xalaydaan miray.

Dadkaas Soomaaliyeed ee la wada miray ma aha dad maanta fayoow, muruq iyo maskax ahaanba. Kii caqli lahaa waa cararay. Kii waddanimo weli ku hartay waa wareeray, oo waxa uu kala garan la’yahay waddaniga iyo shisheeye-kalkaalka. Kii xoogaa aqoon ah lahaa asaga warkiisa daa oo weli yaab buu la maqanyahay, markii warkiisa la maqlana waxa uu la soo shirtagaa “war maa saas la yeelo, oo saas la iska daayo!”

Dad foorara

Wax walba iyo Soomaalinimadii waa la foorariyey oo madaxii baa manjo noqday; oo nusqaankii baa maanta lagu naaloodaa.

Dadkii Soomaaliyeed, intii dalka ku hartay iyo kuwii ka carareyba, culimo iyo caamo, waxa ay noqdeen kuwo aan dhibka ka didin (mid taagan iyo timaadaba), kuwo aan ka dhiidhiyin isir-naceybka, jahliga, shisheeye-kalkaalka, iyo dhammaan wixii foolxumo ku ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Saas oo ay tahay Soomaalidu weli kama ay samrin aqoonyahankeeda fara-ku-tiriska ah, oo maanta maalin uu aqoonyahankaas tirada yari ka magacdheeryahay Soomaali ma soo marin. Laakiin aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu noqday mid ay qaadday duufaanta “dhib-ma-leh” ee Soomaali ku habsatay.

Meeshii la rabay in uu aqoonyahanku ka dhiidhiyo, uu diido, oo uu takooro warxumotashiilka har iyo habbeen marna miraya marna didinaya ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu raacay warxumotashiilkii, haddii uusan raacinna waxa uu yiri “dhib-ma-leh” oo “nusqaanku waa kaygii” ama “nusqaanku fikirka waa ku kali.”

Shan iyo labaatan sano iyo hayaay aqoonyahankii Soomaaliyeed waxa uu noqday mid afkii juuqda gabay, una eg mid raalli ka aha in maalin walba Soomaaliya iyo magacii Soomaaliyeed hortiisa lagu kufsado, uuna kufsado nin waalli lagu sheegay iyo kii watay.

Sidee raalli looga noqday “ninku waa nin waalan” oo hadana ninku waa hoggaamiye? Hadde waa isla kan ku miraya, waa madaxa xisbi mucaarad, waa afhayeenka siyaasadda madaxweynaha, waa kan madaxweynaha safar kasta oo muhiim ah raaca, waa kan madaxweynaha la taliya, waa kan madaxweynaha hadalka u fura, waana kan madaxweynaha hadalka u xira, waa kan beesha u hadla, oo waa ina Cali Waraabe iyo salkii “dani waa seeto!”

Mise waa siyaasad mideysan!

Yaan lagu jaahwareerin, siyaasaddu ma aha mid mugdi ku jiro. Waa siyaasad cad. Waa mid qeexan. Waa mid aan marnaba mugdi ku jirin. Isir naceybka iyo reer-Soomaaliyeed iskudirka uu Faysal Cali Waraabe har iyo habeen la soo shirtago ma aha mid Faysal u gaar ah, waa mid ay ka simmanyihiin badi siyaasiyiinta reer Somaliland. Waa mid loo arko in ay ka simanyihiin badi aqoonyahanka reer Somaliland. Waa mid joogto noqotay maanta illaa iyo asaaskii Somaliland.

Faysal Cali Waraabe taariikh uu ku faano ma leh, ka biloow waagiisii Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kuna xiji tiisii qof ahaaneed ee Finland, mana aha kuwo u qalma in aan boggaan kaga faaloono.

Saas oo ay tahay, labadaas kore haddii uu faashil ku noqday mid buu har iyo habeen ku faanaa, waana tan maanta taagan, waana mid ay la qabaan badi hoggaanka Somaliland, waa siyaasadda uu la joogo Hargeysa ee Soomaali naceybka, isir-naceybka, iyo iskudirka iyo balo-dhexdhigga qabiilada Soomaaliyeed, ha ahaato qabaa’ilka uu ka dhashay ee reer Isxaaq dhexdiisa ee maanta dhibkeedu ka taaganyahay Ceel Afweyn illaa Ceerigaabo, ha ahaato kan karkaraya ee Awdal, ha ahaato Isaaq iyo Harti, ama markii loo baahdo tiisa Dir iyo Daarood iyo tii sagaashameedyadii oo kale.

Faysal ku kali ma aha

Tii shalay Soomaali kala dishay haddii aqoonyahanka Soomaaliyeed ilaaway, tan maanta taagan Faysal ku kali ma aha. Waxaa la qaba Madaxweyne Muuse Biixi (oo xataa aan ka xishoon in uu qabiilada qaar dharaar cad u hanjabo) oo uu hortiisa wixii la ogaa shalay ka sheegay, una yahay lataliye. Waxaa la qaba Saleebaan Gaal, Guddoomiyaha Guurtida, oo aflagaadada iyo isir-naceybka Faysal kala siman, waana mid ay ka wada simayihiin badi hoggamiyayaasha Somaliland ee maanta. Hadde ogoow hoggaamiyayaashaas (siiba kuwa Hargeysa) ma aha kuwo dabeyshu keentay ee waa hormuudka bulshada iyo beeshaba.

Sidaas darteed maanta Faysal Cali Waraabe waa Somaliland, Somalilandina waa Faysal Cali Waraabe, ee labo is leh yaan la kala jiidin.

Dhib maanta waxaa noogu filan in aan boggaan kaga faalloono foolxumada Faysal iyo intiisa la ficilka ahi ay Soomaali ku hayaan (kuwo la dhashay iyo kuwo la daris ahba), laakiin mid ka daran baa ah in aqoonyahankii Soomaaliyeed uusanba taas dhib u arag, haddii uu u arkana uu kaliya ku afgobaadsado.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “god walaal ha qodin, haddaad qoddidna ha dheerayn, ku dhici doontaa mooyee.” Waana maragmadoonto, sida ku cad taariikhda dhow iyo tan fog ee Soomaaliyeed, in dulmigu uusan laheyn lugo uu ku raago. In qabiil Soomaaliyeed uusan yeelan karin qabiil kale. In ninna uusan nin kale dullaysan karin. Hadaba Faysal iyo inta la talo iyo fikir ahi ha xasuusteen hadalkii Garaad Wiilwaal ee “nin rageed wax kasta ku dayey, walaaloow wuxuu ku dhaamana la waa!”

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ha isyeelyeelo ama yuusan isyeelyeelin, hase ogaado in dhibka aan la dhowrsan, in sharaftu tahay dalkaaga oo sharfoon, oo la diido kan diiddan Soomaalinada iyo wada dhalashada. Haddii uu shalay Faysal miiska hoostiisa ku fooryi jiray, maanta asaga oo Madaxweyne Muuse Biixi horfadhiya, oo afuraya, oo diinyaqaankiisii horfadhiya baa isir-naceybka iyo Soomaalino-diidka loogu sacabtumayaa, looguna lalinayaa makrafoon cod dheer iyo Talafishin Qaran.

Sida Soomaalidu tiraahdo, “kheyr wax kaama dhimmee shar u toog hay.” Sharka maanta taaganna waa kan Faysal iyo inta la fikir iyo la talo ah. Sidaas darteed, dhib ma ahee dheef ha ka filan Waraabaha mirta barta, ase dareensan in aan xoolaha cidi raacan, kii xoolaha lahaana uu mooggan yahay hiisha xerada buuxdhaaftay iyo dulinka (shillin, shax, iwm) xoolaha dhogor rogey, markii ay dibbood noqdaana dugaagu mirto.

XIGASHO: RDALJIR

One Comment

  1. Halgan says:

    Puntland waa inay kajooji saa xoolaha darood ee kadhoofa bebera. Waxay ku kibreen xoolaha deegabadha darood kayimaada .oo Dhaqaalo ka helaan.xawaalada dahabshiil joojiya. Walaahay waxaa laga xukumayaa hargaysa iyo burco. Garoowe. Tasaa keentay inay weerar ku so qaadaan dhulka darood 1000sano ilaashadaan ayay baryada nabada waa Uga dartaa. Waxay wax ku fahma an dagaal iyo in xabad lagaadaalo waxaaba kadaran school lo waxaa kuyaala uu fangareeyo ninka khaniiska ahaa ee kayimid maraykanka waxaas intaan somali aysan faarada soo gaadhsiin waa in lagasaaraan dhulka darood sool iyo sanaag waxaas waxay usameeyan waa citraaf doon. Muse wuxuu yiri dhulka inagu yar ee waa inaan dhulqabsAnaa xafladii culimada uu lahadlay shirkii dii udanbeeyay. Walaahay waa in gacan bir la isaga qabtaa ogaada hawiye waa nasab. Kuwaan waa wuxuushta. Cabdi wali sheegay. Markay soo toosaan. Waxay kahadlaan hadal mirqaan cay joogta ah .argagixisada waxaa gaalkacyo boosaaso muqdisho taageera waa hargaysa iyo burco. Bal calabkooda fiirsha waa ka ashabaab. Xidig ta madaw eey ku dhigeen. Goostay axgagixidas kuhaysata an wayna tababaraan. Kuliyada gan taani sI aduunku u yiraahda. Hargasa waa nabad. Dagaal hoos hosa bay wadeen mudo. Waa in la dhaafiyaa Labada gaatama. Oo xuduudaha laga xidhaan intay muslima yaan. Waayo .culimadii iyo jaaahilkoodu waxay jideeyeen in dhulka darood la qabsado. Waa dhaqanka ashabaab. Lacag bay siiyaa n ashabaab ka daacis. Waxaa loogiu diraan xawaalada dahabshiil. Warkaas waa xaqiiq. Daroodka somali iskajira. Waa taas ay yiraahdeen ardayda jaamicadaha dila waa dhaqan ashabaab. Subxaanalaah kujihaada inta gabadh darood puntland joogto. Waa nimanka. 26 sano citiraafka beenta raadiya. Waxay usocdaan inay aarsadaan. Wixii kacaanki oo dhulbahante. Gabadhaqaalaha kadhigtan. Ogaada darood waa isugu mid. Waa qabiil yar oo mooday in saxaafada iyo cayda. Dawlad lagu noqdo tankale waxay dagaan hargaysa iyo burco oo ah 240km kaliya waxay layaaabanyihiin darood dhulwayn buu haystaa. Waa inaan qayb qaadanaa. Nin gaala bay lacag siiyeen. Oo lataliye u ah wuxuu kuyiri. Dhulka darood qayb qabsada. Waayo dhulkooda shidaal waa lagawayay.

Leave a Comment