MAQAAL: Jawaab loo diray Faysal Cali Waraabe, katimi hadalkiisii ahaa ”Anagaa Jabinay Daraawiish”

Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Faysal hadaladdiisa waxaa ka mid ahaa Daraawiisha Annagaa Jebinnay…. Reerkii Somalida iswaalaba Annagaa Jebinna iyo Durukhaan kale aan soo qaadasho mudnayn…

Daraawiishta Annagaa Jebinnay….

Asaaskii Darawaashiishta, sidaan haynno halgankii ugu horeeyey ee Sayid Maxammed AUN waxaa la jaan qaaday Suldaan Nuur AUN oo ahaa Suldaanka Guud Ee Qabiilka Isaaq Gaar Ahaanna Garxejis oo uu Faysal kasoo jeedo… Suldaan Nuur wuxuu ku dhintay halgankaa isagoo ku jira waliba hoggaan sharfoon kaga jira… Haddaan hadalkaaga raaco, ma waxaan buugta taariikhda u gelinnaa reerka aad ku faanayso inay dileen Suldaankoodii sharafta iyo karaamada ka mudnaa…!!!! Tolow reerku raalli maka yihiin inaan taariikhda u gelinno inay dileen Suldoonkoodii AUN sharafta iyo karaamada mudnaa….

Ogoobeey taariikhda waxaa horay u gashay dilkii haalgamaa Sh BashiirAUN ee sannadkii 1947 oo ay dileen ciidamadii gumaystaha ee Britishka oo ay maydkiisii soo dhigeen magaalada Burco loona diiday in la aaso…. Waddani Xaaji Aadan Afqallooc AUN oo ka gabyey wuxuu yiri….

Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe
Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene
Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

Faysaloow awoodda ay awoowayaashaa wax ku jabiyeen maxay ugu aasan waayeen Shiikhaas maydkiisii bahdilka foosha xun lagu sameeyey iyagoo daawanaya… Mise anigaa qaldan oo adigaa saxan oo xaajiyaddii ku dhashay ayaa kuu sheegtay inaad farac ahaan kasoo jeedid askartii Britishka…. Oo Reerka aad ku faanayso oo wax jabiyey waa Britishka….!!!! Ogoobeey Xaajiyadda meel ugama dhicin ee hadalkaaga ayaa sidaas u fasirmaya markaad sheegatay inaad Daraawiishtii jebisay… Sababtoo ah Muslim iyo Gaalo waxay buugtooda ku qoreen in Daraawiishtii Diyaarado lagula diriray oo kula dirireen Ciidankii Gumaystaha ee Britishka sidaana ay ku jabeen..

Reerkii Iswaalaba Annagaa Jabinna…

Markaan eegno kalmada Annaga ee aad isticmaashay, waxay qaadan kartaa ku jiritaankii aad ku jirtay Maamulkii uu Madaxwaynaha ka ahaa AUN Maxammed Siyaad Barre… Maamulkaasi wuxuu jebiyey Jabhaddi SNM markay soo weerareen gobolada W. Galbeed iyo Togdheer sannadkii 1988kii… Isla Sannadkaas waxaad ka sifaysaan jabhaddaas dhammaan dhulkay soo galeen… Marka hadalkaasi waa runtaa oo waxaa is waalay talona qaadan diiday jabhaddaas reer ahaan kasoo jeeday reerka aad ku abtirsato….
Waxaad kaloo jabiseen adigoo markaas ku biiray markay burburay maamulkaad ka tirsanayd ee Siyaad Barre, jabhaddii aad shalay jebiseen markaad ka tirsanayd maamulkaas…Taariikhdu markay ahayd 2/4/1991 jabhaddii Samaroon idinkoo kaashanaya laba guuto oo Ethopian ahayd oo joogtay Wajaale… Waxaad qabsateen Boorame oo bililiqo lagu qiyaashay shan milyan oo lacagta marakanka ah iyo dil aad u gaysateen shacab lagu qiyaasay shan boqol… Odoyaashiinna u taxaabteen Ethopia oo sandulle ku aqbala Somaliland lagaga saxiixay…

Dagaalkii AUN Abdiraxmaan Tuur kama been abuuran karo oo ma garanayo dhankaad raacsanayd… Waxaadse moodda ficilada haatan lagu hayo reeraha aad kasoo jeedid ee Garxejis ee Canshuurtii shacabka laga qaaday hubkii lagusoo gaday lagula dirirayo oo aadan maalinna wax ka oran, haddaad wax karirina waa arin aanan maqal oo waan kaa raali gelin… Hadaadan wax ka oranna waxay leedahay sifo ah inaad ku jirtay kooxdii la dagaalammaysay ee uu Hoggaaminayey Ibraahil Cigaal AUN… Taasna waxaa la oran karaa koox aad ku jirto ayaa wax jebisay….
Intaas aan kor ku xusay wax ka baxsan oo aad dhiil caana ah ka daadiseen ma garanayo… Taariikhdana kuma xusna….

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: aadciiltire@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Guureey
Website: http://aadciiltire.wordpress.com/

8 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “MAQAAL: Jawaab loo diray Faysal Cali Waraabe, katimi hadalkiisii ahaa ”Anagaa Jabinay Daraawiish”

  1. Beenaale Kataapa Ayad Tahay Darwiish Markii Hore Isaaq Iyo Dhulbahante ayaa So Dhaweeyey Oo hiil Iyo Hooba La Garab taagnaa Majeerteena Inta Koonfur Loo Raray ayay Talyaanigu Beeraha Ku qodan Jireen Taarikhduna Meel Walpa way taala
    Lkn Daraawish Markii Hore Waa Lawada jeclaa wana la raacsana Barigii danpe se Waxay Bilowday Dhac Iyo boob ay Cid Walpa Taarikhdeda Hyzo
    Isaaq Waxa Lagu Yaqaana Gopnimada Oo Marka Hore Waa dad wanaagzan Lkn Waa Dad Dhiig leh Oo aargoosta Daraawish Markii ay Bilowday inay Dhacdo Xoolaha H/Jeclo Iyo H/Yooniz Ayaa Loo Tashtay Oo Diintaapa Ku Farayza islaam Xoolahaaga Xalaalaystay Oo dhacaya Inaad iska Celizo Markaz ayay Col Noqden Isaaq Iyo Daraawish Iyagaana Gacantooda Ku Dhisay Iyagaana Dumiyay Sidii Calanka Buluuga ah Hargeisa Looga Taagay Isaaq Somali Jacayl wuxuu ka Qapo uu Xornimadii Ingiriis uu Ka Qaatay Iyo Calankiizipa u Geeyay Kuwii uu Wehelka Iyo Wllka Moodayay ee Somalia Markii Danpena Sidii Loogu abaal dhacay waynu ogeyn Somaliland Na Gacanteeda ayay Ku Burburizay Somali Weynimadii ay Hormuudka u ahayd Oo Af Weyne Wixii Ku Dhacay Waynu Wada Ogeyn Dowladii Lipaxyada Africa Bizad an Alshabaab iska Celin karinbaanu Ka dhignay Dadka Reer Somaliland Horta Waa Dad Wixii Sareeyana Hooseysiin kara Wixii Hooseyana Saraysiin kara
    an Kuzo Noqdo Tii Zayidka Waxa Laga Hayaa Oo Cadeyn ah In Isaaq Markii Danpe Cadawad kala Dhaxayzay Darwiish
    Cali Dhuux Oo Isaaq (Habar Yooniz )ah Waxa Laga Hayaa “Bal Dayaay Waakaa Wadaadkii Sii Dabayzhadaye”
    Waa Markii ay Daraawish Yaacayzay
    Waa Mida Kale anigu Nin Garxajiz ahbaan ahy Walipa Haparyoniza Majeerteenow Dadkaygu Waa Isaaq ee ha igu Dirin Aduunkan ugu Jecelahay Isaaq Iyo Dhulbahante ba Waayo Qaran ban Wadaagna Marka Wxn Ku Leeyahay
    (Dhexdayadu Kuma Qaado) Somaliland Horumarkeda ayd ka Xuntihiin.

    Reply
    1. isaaq wxay ahaayen dapadhilifkii koo fil daraawiishna wxpa kma ogeyn mideeda kla majeerten daraawiish qaarna wala jireen qarna waa kajireen hdalkaaGa wxaad tri mjeerten peeraHaa lgu falan jiray marky mjeerten tariikhda lahaayen oo saldanadaHa hapyo iyo baargaal haysteen idinku wxaad ahaydeen qawma miro gurata aH oo aan mgaalo joogin majeerten sayidka ciidankiisa wxay kulahaayen raG miisan leH waana kasoo horjeeda ciidankii poqor isman oo deGanaa Baargaal ayaa kmid aHaa ragii draawiish kasoo herjeeday ayagoo draawiish dhawr marjepiyay sidee dagaalkii dhuudo oo uu baxay mgacaa aH BOQOLKII DHUUDUD BOQOL LOOWAA oo lgu japiyay daraawiish

      Reply
  2. Iidoor hadii uu burburiyay dawladii kugu awooda badnayd Africa muxuu maanta hayaa
    wakaas gobolkii soolna lagala wareegeyo markaad ma iidoorland ayaan ubixinaa mise
    dawlad goboleedka jeegaanta kkkkk dhulbahante waa tashaday oo walaalkii majeerteen buu dhinac ka raacay mida kale faysal Cali dhurwaa sawkii la ogaa in cagta
    lagu mariyay iidoor dagaaladii turaraq oo majeerteen at iska caabin waayeen sidoo kale dagaalkii ay geesiyada liyuu boolisku
    Ku xasuuqeen calankoodana gubeen intay
    Somaliland ugu galeen oo iidoor tvga ogaadeen baa naxasuuqay kalahaa iidoor ninka fulaysan maleh kkkkkk hadii daarood isku mid ahaan lahaa iidoor iyo hawiye
    maalin qudha ayaan Ku baabi’in lahayn lkn
    intaan intaan kala jeedno ka faa’iidaysta

    Reply
    1. hapartii umushana anaGaa ka umulinay dawladii dhexe ee somalia jamhdii uhoraysay ee khortimi siyaad wxaa asaasay kornel c.laaHi yuusuf isaGa ayaa kamid ahaa ragii jpiyay dawldii dhexe wxaa kloo dawlada lariday c.laaHi caydiid oo hapro wdaaG ahaayen markii dampana isqapteen lapadaa shaqsi wxaan ahyn dawldiii dhexe waxpa kma ogeyn

      Reply
  3. Ciltire

    sxb waad ku mahadsantahay qoraalkaaga aad sida fiican ugu iftiimisay shaqsi xumanimada cali dhurwaa.

    waana ku mahadsantahay sida aad sanooyin badan uga daalin ladagaalanka qulqulad wadayaasha iyo qulux tuurayaasha. waxaa lagaaray wakhtigii soomaaliya laga sifeen lahaa daalimiinta umada sunta kula dhexareegaysa

    Reply
  4. Geelii Tiradiiza La Garanwaayay ee intii ay Somali Tariikhdeeda La Hayo Ugu Badnayd Isaaq baa ka Dhacay Sayid Maxamed C. xazan
    Magiciizuna Wuxuu ahaa “Hagoogane”
    Meeshii La Mariyayna Badnidiiza darteed Dooxbay Noqotay Waanad Ka Baadhi kartaa Taarikhda Somalida

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada