Dawladda Itoobiya oo ONLF ka saaraysa goor dhaw Liiska Ururada Argagixisada ah ee lala dagaalamayo

ADDIS ABABA(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horgeynaya baarlamaanka dalkaas qaraar ogolaanaya in gabi ahaanba Liiska Ururada Argagixisada ee ciidamada Itoobiya ay la dagalamayaan laga saaro Ururada ONLF,  OLF & GINBOT 7 oo dhamaantood ahaa Ururo hubeysan oo la dagaalamayay ciidamada dalkaas.

Ra’iisulwasaare Abiy ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dad u dhashay dalka Itoobiya loo aqoonsado Argagixiso, iyadoo la doonayo in la mideeyo Itoobiya.

ONLF ayaa ah garab hubeysa oo Soomaali ah kana soo horjeeda dawladda Itoobiya waxa ayna u dagaalantaa xornimada gobalka Soomaalida, waxaana ay marar badan sheegtaa in ay wada hadal diyaar u tahay talaabada la qaadayna waxay dhabaha u xaaraysaa Itoobiya ka duwan sidii ay ahayd 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

OLF ayaa ah Jamhad hubeysan oo ay leeyihiin Oromada dalkaas, waxaana inta badan laga xiray xubnaha ugu muhiimsan oo ay raadin jirtay Xukuumadii Meles Zanewi waxaana hadda ay u muuqataa madax banaani siyaasaded.

GINBOT 7 ayaa ah jamhad kale oo hubeysan iyana, waxaana dhamaantood ay hadda helayaan xoriyad siyaasadeed iyo mid Amni.

 

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.