AKHRISO: Dawladda Puntland oo deegaanada Puntland ka mamnuucday Daawashada Telefishinka Somaliland

GAROOWE(P-TIMES)- Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland ayaa saxiixday warqad si rasmi ah loo diray maamulka Sare ee shirkada DSAT ee Puntland, taas oo gabi ahaanba lagu amray in Kanaalada shirkadas ay ka saarto Telefishinka maamulka Hargeysa ee SLTV, ka dib markii ay sidaas garowsatay dawladda Puntland.

Warqadda ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa loo geeyey DSAT, taas oo ay wararku sheegayaan in ay u hogaansatay go`aanka dawladda Puntland.

Somaliland waxay horey xayiraad ugu soo rogtay labo Tv- Soomaaliyeed oo laga leeyahay gobalka Sool, oo ay ku eedeeysay in ay tabiyaan warar ka dhan ah joogitaankooda gobalkaas.

HALKAN KA AKHRISO WAREEGTADA DAWLADDA

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO: Dawladda Puntland oo deegaanada Puntland ka mamnuucday Daawashada Telefishinka Somaliland

  1. KKKKKKKKKK Hargaysi Awalba Mikirifon idinlamay hos ordayn.

    Talafishankeeda Shacabku iyagaa jecel oo daawada markuu soo galo, Dadka ma guryahaa loogu soo geli kkk xigmada ayay ku jecelyihiin maxay dadku daawan hadii “Somaliland tv” la yidhaahdo hadaawanina Cabdiweli Hadaanu “Somaliland tv” dhagaysan maba daawado qaarkale markaa madaxtooyada haka mamnuuco horta. Laakn Somaliland kuwa ay mamnuucday waa kuwa Somaliland gudaheeda ka shaqeeya hadii ay joojiyaan,hctv,bulshotv,iyo qaar kaloo badan.
    Waan soo dhawaynaynaa waayo in laga daawado talafeshino badan borobahandhada buntlan.

    Reply
  2. Awal bey qalad aheyd in uu shaqeeyo, wax loo baahan yahey ee laga faaiideysan karana ma aha, Caruurta ayey barayaan Cunsuriyada ay ku shaqeeyaan, Mediya maleeshiya maaamusho ee qabiila looma baahna. xaaraanta.

    Reply
  3. SLTV LA GARAY, KUWO BADAN BAA JIRA EE MIYAY ILOOBEEN SIDA BULSHO TV, Hargeisa Cable, STAR TV, KUWAN WAXAA KA SII DIRA MIDA BOOSAASO EE AH SBC. BAL WAX YAR DAAWO SBC INTAA WAXAY KA HADLAYAAN SOOMAALILAND, GOBOLADA SOOMAALILAND OO DHAN WAXAA U JOOGA WERIYAYAAL. BOOSAASO IYO PUNTLAND IYAGOO KA HADLAYA LAMA ARKO. WAR SBC XIRRA KU DHAHA.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada