Dhaqdhaqaaqyadii ugu cuslaa oo ka socda Tukaraq, Cabsi dagaal & Wararkii ugu dambeeyey

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in cabsidii ugu badneyd ay caawa ka jirto jiidaha dagaalka, ka dib mariii galabtay qoraxdu ugu dhacday dhinacyada oo isku ridaya madaafiicda goobta, sidda ay ku waramayaan goobjoogayaal ka madax banaan dhinacyada.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog badan ayaa laga dareemayaa jiidaha dagaalka, waxaana cabsida ay soo korortay markii ay Puntland si cad u sheegtay in aysan waxba wada hadal ah kula jirin Somaliland, halka maamulka Hargeysana ay talaabadaas horey u shaaciyeen.

Ciidamada labada dhinac ayaa iskugu guuray meelaha qaarkood, waxaana la dareemayaa xiisadda oo sii kordhaysa iyadoo ay saraakiisha qaarkood ka gaabsadeen in ay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ay ilaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamadii ugu badnaa ay yimaadeen jiidahan dagaalka, sidaas oo kale Somaliland ayaa u muuqata mid dib ugu soo celisay deegaanka Tukaraq hub ay horey uga saartay.

 

 

Leave a Comment