Guddiga Arrimaha Dagaalka G Sool oo goor dhaw ka hadli doona arrimo xasaasi ah

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada GAroowe ee caasumada Puntland ayaa sheegaya in ay goor dhaw shir Jaraa’id qaban doonaan xubnaha Guddiga Amniga ee dawladda ugu xilsaaran arrimaha dagaalada gobalka Sool, waxayna si adag uga hadli doonaan arrimihii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobalka Sool, Afduubka ay bilowday Somaliland ee shacabka ah iyo Hadal uu xalay sheegay Wasiirka Arrimaha dibada ee maamulkas oo ahaa in ay wada hadal kula jiraan Puntland.

Shirka jaraa’id ee guddiga ayaa lafilayaa in looga hadlo arrimahan, xili ay socdaan dadaalo xoog badan oo la xariira in la baajiyo dagaalada labada dhinac, haddana ma fiicna rajada laga qabi karo dagaal laga baaqsado dagaal cusub oo dhaca dhamaadka bisha barakeysan ee ramadaan.

Sidaas oo kale Puntland waxay si cad u sheegaysaa in aysan waxba ka jirin warar uu xalay baahiyey Wasiirka arrimaha dibada ee Hargeysa Sacad Cali Shire oo sheegayay in uu socdo heshis ay garwadeen ka yihiin wadamada jaarka la ah Soomaaliya & Qaramada Midowbay.

 

Leave a Comment