WAR DEG DEG AH: Isku socodkii Shacabka ee G Puntland & Somaliland oo cabsi laga qabo in uu is taago iyo dad la qabsaday

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Shirkada Gaadiidka Safarleyda u kala goosha Puntland & Somaliland ayay hadda soo wajahday cabsidii ugu badneyd, waxaana dadku ay welwel ka qabaan in uu gabi ahaanba istaago isku socodka shacabka labada dhinac, ka dib markii ay maanta ilaa xalay dhaceen falal Afduub shacab lagala dagay gaadiid maraya wadada xariirisa Garoowe & Hargeysa.

Dhacdadii xalay magaalada Caynaba lagula dagay labo qof oo ka soo jeeda deegaanada Puntland rakaabna ahaa ayaa dhalisay cabsida ugu weyn ee laga qabi karro falalkan, sidaas oo kale ma jirto cid ka hadashay ilaa hadda ficiladan cusub.

Faysal Cali Waraabe ayaa horey u sheegay in la laayo, lana qabsado Ardayda & Qoysaska Reer Puntland ee kunool Hargeysa & Boorama, waxaana xiligas wixii ka dambeeyey taagneyd cabsidan.

Talaabada lagu qabsaday dad kasoo jeeda Puntland oo la xaqiijiyey in ay qabsadeen ciidamada Somaliland & Dabley hubeysan oo ka soo jeeda magaalada Caynaba, waxay kaliftay sidda wararku sheegayaan in cabsi soo wajahday dad ka soo jeeda Somaliland oo kusugan gudaha deegaanada Puntland.

In saameyn uu dagaalka labada dhinac ku yeesho bulshada rayidka ah ayaa ah mid aan si fudud loo fileynin, balse Faysal Cali Waraabe & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalo ay u isticmaaleen Idaacadaha waxaa lagu tiranayaa in ay ahaayeen kuwa qabyaalad ka buuxdo.

 

 

 

One Comment

  1. axmed says:

    Calool jileeca iska daaya, wuxuushtaan ma garanayaan in si wanaagsan loola dhaqmo., hala eryo hala garaaco , hala afduuboo. sidaas ayey yaqaanaan. iyagaa saaxiga keeni doona . waxa ay sameeyaan in le eg hala sameeyo, hala xanujio, meesha dowlad ka jirtaa malaha, caynabaa Xaley dad baabuur lagala degey, habar jeclo waa in la afduubaa. kilaabta.

Leave a Comment