M/weyne Gaas oo xilalkii ka qaaday Madaxdii Laamaha Sirdoonka PL qaarkood.

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw xil ka qaadis ku sameeyey Labadii Taliye ee laamaha Sirdoonka Puntland ee kala ah PSS & PIA, waxaana xil ka qaadistooda lagu sheegay markii uu arkay muhiimadda ay leeyihiin laamaha Ammaanka iyo talo soo jeedinta wasaaradda Amniga.

Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa u qorneyd.

 

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada