Mid kamid ah Beelaha Dhulbahante, oo maanta Hawdka G Sool kaga dhawaaqaysa war aan farxad galin doonin Somaliland

LAASCAANOOD(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada Hawdka ee gobalka Sool, ayaa sheegaya in ay mid kamid ah beelaha hubka badan ku haysta hawdkaas ay maanta ku dhawaaqi doonaan in ay si rasmi ah uga soo horjeedaan Somaliland, waxayna cadeyn doonan mawqifkooda ku aadan sidii maamulkaas looga xoreyn lahaa dhulka gobalka Sool ee ay qabsadeen 11-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Beeshan waxay dib uga soo ceshatay qaar kamid ah hubkeeda maleeshiyaadka Somaliland oo horey gacanta ugu heysay sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Laascaanood.

Deegaanka Dharkeyn-Geenyo ayay isku aruursadeen ciidamo u daacad ah beeshaas, kuwaas  oo ay ku doonayaan in ay qeyb kaga noqdaan howlgalka dib u xoreynta gobalka Sool, waxayna kulamo la qaateen saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah Saraakiisha u xilsaarin fulinta howshaas ee dhinaca Puntland.

Talaabadan ayaa dhabar jab ku ah Somaliland, waxayna u muuqata in ay gabi ahaanba lumisay siyaasadedii ku aadanayd gobalkaas, iyadoo ay hadda naceen inta badan Shacabka, Waxgaradka iyo Siyaasiinta oo si cad ugu sheegaya in ay iskaga baxaan gobalkaas.

Beesha Jaamac Siyaad oo ahayd cidda ugu badan ee taageerada u muujisay Somaliland kal hore markii ay qabsanaysay Laascaanood, ayaa hadda muujiyey sidda ay uga soo horjeedaan, waxaana tasi ay cadeynaysaa in uu dhamaaday waqtiga joogitaanka ciidamada Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Comment