Mid kamid ah Shacabka Laascaanood oo goor dhaw la dilay

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Mid kamid ah Waxgaradka magaalada Laascaanood ayaa goor dhaw lagu dilay bartamaha magaaladaas, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan Ujeedada loo dilay, Dilka ayaa dhacay xili xiisado colaadeed ay dul-hoganayaan magaaladaas.

Warar ay helayso Puntlandtimes.com waxay cadeynayaan in Marxuumka ladilay uu taageersanaa in Somaliland laga saaro nagaalada Laascaanood, taas oo ay dadka qaarkood sheegayaan in loo dilay aragtidiisa gaarka ah.

Xog kale ayaa sheegaysa in uu dilkan geystay mid kamid ah Askarta u shaqeysa maamulkaas,iyadoo Laanaha Ammaanka ee magaaladu uu kajira.

Somaliland waxay cadaadis kuhaysaa shacabka magaalada Laascqanood, balse hadda Puntland ayaa doonaysa in ay dib gacanteeda ugu soo celiso.

Somaliland ayaa hadda wadaa fal kasta oo ay wax ugu geysanayso magaalada.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada